Published On: Tue, Oct 10th, 2017

Arday Ka Qalalinjabiyey Kulliyadda HR “Human Management Resource” Jaamacadda Admas Oo Farxadd kuqaatay Shahaadada 2-aad Ee Master-ka (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Koox Arday ah Oo muddo 3 Sano ah ku soo jiray Geediga Hayaanka Waxbarashada Shahaadada 2-aad Ee Master-ka Kulliyadda Maamulka Aqoonta Bani-aadamka “Human Resource And Management” Ee Loo soo Gaabiyo HR Ayaa ka Warbixiyey Dareenkooda la xidhiidha Farxadda Maalinta Qalinjabibtooda Ee Ay ku soo afjareen Qaybtii 2-aaad Ee Shahaada Master-ka.”saaka waxaan ku faraxsanahay Jaaniskii aan ka faa’iidaystay waxaan ahay Darawal u shaqeeya UN ka markaa Galinka dambe markaan soo rawaxo waxaan qabto majiro sidaa darteed ayaan ku fikiray 3 sano ka hor inaan Jaamacadda Master-ka Bilaabo” sidaa waxaa yidhi Siciid Cabdillaahi Shire.

Goor Ay Saacaddu Xiliga Hargeysa Ku beegnayd 8:30 Subaxnimo Ayaan horey u Galay Hotelka Maan-soor gudihisa balse intii Aanan wali salka dhigin Halkii Aan ku socday waxaa Meel Koonaha ah Iiga Gacan-haadiyey midkamida 2 Nin Oo aan midkood garanayey Balse kiikale Oo Aanan wajigiisa Markiiba aqoosan ayaa  iisoo kacay salaantana iska soo horeysiiyey isagoo dhoolaha caddayana Kiikale ee Saaxiibkay ahaana wuu la sare Joogsaday iyagoo ay ladadba wajiyadooda Farxad iyo shucuur wanaagsani ka muuqanaysay “Ahalan Wasahlan Soo fadhiiso” ayey issu kayraaciyeen labadoodiiba.

Haddan fadhiistay miridho aan badnayna ay ka soo wareegeen intii aan fadhiyey ayuu yidhi Siciid “saaka Nasiibaanu leenahay sidaan filayo” salaantaa iyo dhoolo cadayntii ay erayadaasina ka dambeeyeen kadib waxay Iisheegeen inay kamid yihiin Ardayda saaka u safanaysa inag Maamulka Jaamacadda Kalawareegaan Waraaqihii Aqoonsiga Shahaadada heerka 2-aad ee Master-ka “Saaka dee waxaanu nahay Arday waxaanan ka qalinjabinanaa Kulliyadda HR-ka Human Resource And Management” ayuu kiikanala ku dhoollo caddeeyey.

Wali iigamay soo muuqan wax calaamad ah oo muujinaya dharkii qalinjabinta ee lagu yaqaanay maalinta Uu Ardaygu qaadanayo Shahaadada balse lebis quruxbadan Oo ay ku giigsanaayeen indhaha waan ku dhuftay, qadarkooban kadib ayaan is waydiiyey dharkii qalinjabita maxay u soo xidhan waayeen hadday Ardayihiin malaha  markiiba midbaa i dareemay inaan saluugsanahay Tayga iyo lebiska ka madhan kii qalinjabinta intuu dhiniciisa dambe laacay oo uu soo qaaday dharkii Qalinjabinta Koofiyaddiina Gashaday ayuu yidhi “waxaan kaa Rabnaa Saaka inaad  naga qaaddo Sawirradii Xasuusta qalinjabintayada”

“isugg anna aan soo qaatee” ayuu yidhi SiciidMaxamed Sheekeeye  Oo ah xoghayaha Warbaahinta Ee Komishanka Doorashooyinka kanamid ahaa Ardaydan Saaka shahaadada 2-aad ka diyaariyey Jaamacadda Admas 3 dii sano ee la soo – dhaafay,Siciid dheere waa nin aanu horey isugu barannay sahqada Warbaahinta farxaddii iyo dhoollo cddayntii saaka ka muuqanaysana wali kumaan arag mid lamid ah tan iyo muddadii aanu is naqaanay, waxaana keenay farxaddan iyo dhoollo caddayntaasi xurmada iyo karaamada Uu Ilaahay ku sharfay Cilmiga taasoo tilmaamaysa darajada Uu Cilmigu gaadhsiiyo Ehelkiisa sida ay Diintuba innoo sheegtay “miyey siman yihiin kuwa garanaya “Cilmiga” iyo kuwa aan garanayn” waa Suurad kamid ah Quraanka Kariimka ah.

Magacyada Aqoonyahannada Qalinka Afaystay

1-Saciid Maxamed Sheekeeye

2-Cabdirisaaq Cabdillaahi Shire

3-Cabdiraxmaan Cumar  Ibraahin

4-Saciid Cumar Cabdillaahi

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa