Published On: Wed, Oct 11th, 2017

Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax Oo Soosaaray Maanso Cusub Oo Lamagac-baxday Xeer-Ku Dirir

Hargeysa (BMC)- Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ayaa soo bandhigay Maanso cusub oo la baxday Xeer ku dirir.Maansadan Xeer ku dirir waxa lagu soo bandhigay munaasibad la isku arkay oo ku
qabsoontay Xarunta dhaqanka Hargeysa.Abwaanku ka hor intaanu maansadda Ibo-furin waxaa uu sharaxay nuxurkeedda, isaga ootilmaamay in ay guud ahaan ka hadlayso doorashada, la-doortaha Iyo doortaha.
Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku xusay Asxaabta siyaasada, Maxaa ummad ahaan innaga
qaldan? Maxaynuse u baahan nahay? “Dad iyo dal baynu nahay haysata nabad taam ah,
balse caddaalada iyo ku dhaqanka sharciga qallooc kaga jiro.

Waxaad mooddaa inay inaga burburtay ummadnimadii iyo wax-wada- lahaanshihii, oo ay
halkeedii inoo gashay cunfi iyo qabyaaladi.?” Sidaas ayuu yidhi abwaanku.
Waa uu sii waday, hadba dhinac ayuu iska taagay Asxaab iyo ummadba. Dhaliillaha aynu
wada leenahay ayuu Toosh weyn ku iftiimiyay si guud xalalka uu is leeyahay waa lagaga
gudbi karraana si gaar ah ayuu farta ugu fiiqay, dabadeedna waxaa uu u gudbay
Maansaddii oo isla intii uu hadal ahaanta u yidhi Hawraar ahaan ugu qotonta.
Maansada Xeer-ku- dirir oo soo baxday 1dii September 2017. Waxaa uu ku bilaabay Xasan
Dhuxul “Laabsaalax” oo yidhi.

Cidna weli ma deddafayn
Suugaanna kuma durin
Mana ihi nin deelqaaf
Hadalladu ka duulaan.

Weli xaajo dalabliyo

an
Wax damiirku qoonsado
Anoo daah ka rogi kara
Marna dhaayo kama dedan;
Cidna libin dirqiya iyo
Guul dulsaar ah kuma ladhin.

Waa diirad maasadu
Lagu tuso dad waynaha
Nin ka galay dunuubtee
Kii dudaaya yeelkii
Mana lihi dan gaaree
Wayga Daacadee Dhugo
Haddaan dib-u- dhacaagiyo
Guushaada doorka ah
Mid kastaba diwaan culus
Maalmuhu ku daabicin,
Taariikhda duuggii
Dorraad kaaga marag noqon,
Dhacdo kaaga tagin deris,
Gudcur dam ah ma dhaantide
Wax ka baro duruufaha
Deris maalmihii tagay
Dib u dheeho waayaha

an
wax ku dooro maankaa.-

Marka arrin dakaamiyo
Xaajo dalab leh weligeed
Damal lagu gorfeeyiyo
Xeerbeegti diran iyo
Duqay loo xishaa jiray,
Waxa dhaca dawayn jiray.
Nin kastoo dankano gala
Dabar celiya baa jiray.
Wax kastoo is-diid dhala
Xal dabiiba baa jiray.
Hadduu xaalku dacar iyo
Deebaaq qadhaadh yahay
Hoos baa loogu degi jiray.
Maanta waa is daba yaac
Aaway kala danbayntii?

Daacaddiyo run-sheeggii
Waa laga dul guuroo
Daba-huwan siday tidhi:
“dadku waxay wax ka arkaan
Dibnihiyo hungurigaa!”– –

an
Waa dood su’aal leh’e
Dammiirki maxaa helay?

Inta dufanku mood yahay
Dhaameelku deeq yahay
Culimadu danley tahay
Oday-dhaqan dillaal yahay
Koofiyadaha demiska leh
Wax ku doono laga wado,
Danbaskana sabool yahay
Noloshuna dirsooc tahay
Dabaqado bulshadu tahay
Reernimo danguud tahay
Qarannimo daldalan tahay
Xilku duudsi-dhale yahay
Digreetadu rasaas tahay
Garashooy! Ayaan daran.—

Dulmi wade intuu weli
Dulmanaha ka mudan yahay,
Eexdiyo ku digashadu
Intay darajo leedahay,
Daacadnimo masuug tahay

an
Cadliyow laguu dagan!

Inta weli la door bido
In qabyaalad lagu dago
Dalka ruuxa hagi kara
Oo ruux la dabo wado
Dano gaara laga rabo
Musuqoow lagu diran!

Waa duniyo xaalkeed
Xagal daacsanaantuye
Hal doorkii maxaa helay?
Horta mee dal-jirihii?
Xumo-diid ha joogee
Indheer garad docdiisii
Hadmuu daad ka soo galay?

Ninka nabadda deyn ku leh
Ee dirir ka baaqsaday
Ha u sheego dunidee!

Qof dastuurka magansaday

an
Sharcigana dabiib biday
Oon xeer difaacayn
Awoodaha dulsaarka ah
Maxaa uga damiin noqon
Mar- hadii rag doobshaa
Midi daabka haystaan
Jarta meehsay doonaan
Ama maal ka dooxaan
Malaayiin damqaysoo
Iaguna ku doogaan
Dadna uu u heetiyo

-Qabiilbaynu duubnee
Maxaa dacal inoo sudhay
Xisbi baynu diranee
Maxaa duqay inoo xidhay-
Dawlad baynu garanee
Maxay daw u leedahay- ?
Dimuqraadinimadiyo
Isma galo dir dir-soocuye
Dabarkeedu waa maxay?
Sharcigiyo dastuurkiyo
Xalmastuurka dabayaal

an
Mid-keebaa danteena ah

Doortahan la doortaha
Qolonimo ku door biday
Dadlkan aayihiisiyo
Qarankuu ku duulee
Bari yuu dardaar warin
Goormuu nin damac lihi
Daacadnimo ka faanaa?
Runta dacal ka dhaafaa?
Xaqiiqada ka diiraa?
Goormuu dadweynaha
U tumaa durbaanada
Hadaw lagu dagaayee
Duudsigu ka kow yahay

Waa Dood Su,aal Lehe
Qof ay baahi dilaysaa
Waxa ma dooran karayaa?
Odayaal la dirayaa
Xaq miyay ku doodaan?
Misna may ku durayaan
Qolo mawgu diran tahay?

an
Xisbi aan ka doodayn
Dal siduu u hagi karo
Mabaadii’ ka dayro ah
Balse dumarka shirin kara
Oo durbaanno tuman kara
Codku maaha diiqee
Muxuu kaaga doonaa?

Dayrtaba haduu
Deeqluhu raxmaad shubo
Dooggiyo caleentii
Duunyadu ku noolayd
Haddaan laga daryeelayn
Diir baan looga taag helin.

Wax aan taa ka duwanyn
Nin dan lihiba tiisuu
Danta guud u wiiqoo
Danyareey aduun baa
Ku danseegay qiiree
Dawan yaan lagu tumin!

an
Duruusaha siyaasigu
Daabac iyo dur weeyee
Bulshooy waa digniin culus
Marna waa dardaarane;
Shalay iyo wixii dumay
Maantiyo wixii dagan
Berri iyo wixii dedan
Ku sargoo dantaadoo
Xaqiiqada la deris noqo,
Xor ka noqo damiirkoo
Dantu yaanay kugu qaban,
Dabar yaanay kugu xidhin,
Kuna hagin duruufuhu.

Masiirkaaga doorka ah
Ha ku doorsan shilimaad
Garashada adoon dedin
Ha ku daginnin qiirada,
Durbaannada qabiillada,
Keligii dab-saaraha,
Keligii dag-laystaha,
Keligii danaystaha,
Daankiisa buuxshaha,

an
Tiisuun ku-daalaha,
Baaji doonistiisoo
Intaan duubba loo xidhin
Dusha sare ka sii
Dib wuxu ka noqon karo.
Il-duuf waa mar keliyee,
Dib mid aad ka hiiftiyo
Yaan fartaadu kula degin,
Oon ka-dare codkaagani
Kuu doorin kuu daran.

Xil ninkaad u diraysaa
Yaanu halaq ku dooxiyo
Ma-daryeele kugu noqon.

Derajada nin uu rabo
Nin is yidhi dadka u sheeg,
Inuu diirto ruux kale
Ma dariiqa guushaa?
Mise waa dab sii hurin?

Ummaddii ul iyo diir
Ummaddii dir iyo daab

an
Danwadaag mataana ah
Soo ahayd ilaa dura
Waa tan kala dibbootee;
Kala-daamo noqotee,
Naxliguna dul joogee,
Maxaa la isku dagayaa?

Dumar iyo hadday tahay
Duqay iyo aqoonyahan
Waa kuwan is-durayee
Ka colloobay duunkee
Bal maxay ku daaleen?
Dulucdoodu waa maxay?
Markay dooddu laba ruux
Kala dooro qudha tahay.

Anaa dawlad wadi kara
Reer hebel dammiin ka ah
Anaa dunida maamula
Iftiinkeeda damin kara
Anaa xeel ku dirayoo
Ka dubaalad dheer hebel,
Waa dhaqan dalkeenniyo

an
Maanta yaalla degalkee;
Sidii loo darjiidhee
Dadku wada aqoonyahan
U noqdeen digtoorro ah
Lama kala danbeeyee;

Wuxuu Daalinkii yidhi
Dulmi soconayaan ahay
Denbi guurayaan ahay
Damac qaawan baan ahay
Dayac faanayaan ahay
Dayro magac ah baan ahay
Danni taagan baan ahay
Ceeb kama-durkaan ahay
Bulsho kala-dilaan ahay
Dadka kala-guraan ahay
Isma-dooriyaan ahay
Dorraad moogganaan ahay
Tiisuun dayaan ahay
Ninka lagu dagtaan ahay
Intaas iyo in dedan iyo
Siyaasiga dalkaan ahay!

an
Dadna wali imuu baran

Inta daafacaysiyo
Dayntiyo daboolkiyo
Waxay waxay daacadii tidhi

Dag’ haddaad is leedahay
Kala didi is leedahay
Isku dira is leedahay
Kala dira is leedahay
Kala daadi leedahay
Bulshadani dul iyo hoos
Marka ay yar dagan tahay
Markay ay yar dilan tahay
Eed mooddo diran tahay
Fahankeedu dedan tahay
Maalintay u daran tahay
Ayay ugu dab kulushahay
Guushuna la daris tahay.

Duufaanka roobkiyo
Marka ay dabayluhu
Diiqad culus wax galiyaan

an
Badda looga dibad baxo
Dar allaan ku dhaaftaa.

Wax la doonayaa ruux
Dalka samo ku hagi kara
Dadka hayn ka simi kara
Dabka hura bakhtiin kara
Danta hore u wadi kari
Danbi-falaha qaban kara
Dulinkana tirtiri kara
Danyartana wax tari kara;
Oon lagu dul guurayn
Oo aan dammane noqon
Oon reer dabada galin;
Dusha calanka kuu sudhan
Dhagar iyo dab galinayn;
Cadligaa dan kuu ahe
Mid aan dayro keenayn
Ummaddana badh didinayn
Badhna soo dabbaalayn,
Duunka xumo ku beerayn
Wax la doonayaa ruux
Dar ilaah u hawl gala
Shacabkana u daacad ah.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa