Published On: Wed, Oct 11th, 2017

Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka Dalka Kenya Oo ku Dhawaaqay Inaysan ka qaybgalidoonin Doorashada Haddii Aan Gudiga Doorashooyinka Waxlaga Badalin

Nairobi (BMC)-Isbahaysiga NSA Ee Mucaaradka Dalka Kenya Ayaa Sheegay Inaysan Ka qaybgalidoonin Doorsahada Wakhtigeeda Horey Loogu Qoondeeyey Inay ku Dhacdo 26 ka Bishan Aan ku jirro,Sidaana Waxa Uu Isbahaysigaasi NASA ku Sheegay Shirjaraaa’id Oo Ay Shalay Ku qabteen Xaruntooda Nairobi.

Gudoomiyahha Isbahaysigaasi ahna Musharraxa U xayraamaya Tartanka Doorashadaasi Mr Raila Odinga Oo Warfidiyeenka lahadlaye waxa uu Sheegay Inay Doorashadaasi Gabi ahaanba ka hadheen isla markaana Aanay ka qaybgalidoonin haddii Aan waxlaga badalin Shuruudaha ay ku dalbanayaan sixitaanka khaladaadka horey loogalay doorashadii Ku dhawaan dalkaasi ka dhacday ee Maxkamaddasare ay waxba kama jiraanka ka soo qaaday markii Uu Hogaamiyaha Isbahaysiga Jubalii Mr Uhuru Kenyatta ku sheegtay inuu ku Guulestay Doorashadaasi.

Mr Raila waxa uu sheegay sababta ay Doorashadaasi u Go’aansadeen inay ka hadhaani inay tahay iyadoo ay wali sii socdaan khaladaadkii horey loogu boobay Doorashooyinkiihore taasoo ay Caddaaladdaro wayni ku dhacday Isbahaysgiisa sida uu horey u sheegay Mr Odinga “Isbahaysiga Nasa waxa uu go’aansaday inaanu ka qaybgalidoonin doorashada wakhtigeeda horey loogu qoondeeyey inay dhacdo 26 bisha October” ayuu yidhi Mr Odinga.

Isbahaysiga Muxaaradku waxay bilawgiihore dalbadeen in Gabi ahaanba la wada badalo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dalkaasi Maadaama ay  ku kenceen Khiyaamo cadd isla markaana ay u Xagliyeen dhinaca Mr Uhuru Kenyatta iyo Xisbigiisa Oo ay ku eedaynayaan Inay Doorashooyinkaasi Boobeen.

Mr Uhuru ayaa isaguna dhiniciisa ku dooday inay Doorashadu ku qabsoomidoonto wakhtigeedii horey loogu asteeyey ee ahaa taariikhda xaggasare ku xusan haddii Uu Raila Odinga ka qaybgalayo iyo haddii uu ka hadhayo labadaba waxaanu sheegay inuu Raila Odinga hawsha adagg Ee tartanka Doorashadaasi ku daalay sidaa darteed na ay u furantay inuu iska  nasto haddii uusan xamilikarayn safarka dheer Ee loogu tartamayo kursiga Madaxtinimada dalkaasi.

Hadalkan ka soo yeedhay Mr Uhuru ayaa lagu tilmaami karaa inuu yahay Jeesjees iyo laysu joojinmaayo cadd oo aan geedku gabsho lahayn waana KAAF iyo KALA DHEERI halka ay kala taagan-yihiin labada Nin waxaanay u muuqataa inay xaaladda Siyaasadeed ee dalkaasi Kenya mugdi badan sii galeyso wakhtigan xaadirka ah waxaana laga cabsi qabaa inay daklkaasi hadheeyaan Rabshadihii horey Uga dhacay sanadkii 2008 Markii ay dhacday Doorashadii lagu murmay Ee Raila Odinga lagaga badiyey balse Uu diiday Natiijadii ka soo baxday.

Gudoomiyaha NASA Mr Raila Odinga ayaa Taageerayaashiisa guud ahaan ku wargeliyey inay maanta u soo baxaan dariiqyada waaweyn Ee Dalka Kenya Oo dhan si ay u Muujiyaan Dareenkooda iyo Taageerada ay u hayaan Raila iyo Ku xigeenkiisa waxaana  laga warwarsan yahay inay isku dhacaan ciidamada Booliska iyo dadkaasi Mucaaradka ahi markay Banaanada  U soo baxaan Caasimadda Nairobi iyo Meelo kale oo ka tirsan dalka Kenya.

Guddiga Doorashooyinka Ee Dalkaasi Kenya ayaa maanta galaya Kulan degdegg ah oo Albaabadu u xidhanyihiin ka dib markii Uu Isbahaysiga NASA ku dhawaaqay Shalay inaanay ka qaybgalidoonin Doorashadaasi Haddii aan waxlaga Badalin Guddiga Doorashada Kenya, waxaanay arrrintaasi farta ku fiiqaysaa Halista iyo Cabsida ka soo socota ismaan-dhaafka Siyaasadeed Ee Dalkaasi ka taagan waxaana ilaa maanta iyo Berri loo dhegtaagayaa waxa ka soo bixi doona Gudiga Doorashooyinka iyo Jawaabta ay ka bixin doonaan Hadalka Isbahaysiga NASA Ay kaga Hadheen tartankii Doorashadaasi.

www.Baadiye.com