Published On: Thu, Oct 12th, 2017

Xarunta HRC Oo Qabatay Dood-cilmiyeed Looga hadlayey In Haweenka Loo magacaago Jagooyinka sarsare ee Garsoorka Dalka

Hargeysa (BMC)-Xafladd Balaadhan Oo lagu Naaqishayey sidii Dumarka Aqoonta leh Looga Qaybgalin lahaa Xukunka Garsoorka Somalilalnd Ayaaa  Lagu Qabtay Hotelka Maan-soor Ee Hargeysa.Munaasibaddaadsi oo si quruxbadan loo soo abaabulay Xarunt U Doodda ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Center ee Hargeysa  waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xaruntaasi Guuleed Axmed Dafac,Shaqaalaha kale ee Xarunrtaasi,Hablaha Dooddaasi ka qaybgalayey,Dumarkale oo farabadan iyo dhalinyaro Hablo iyo Wiilalba leh Oo ka kalayimid Xaafadaha Hargeysa.

Furitaankii madasha Dooddaasi oo lagu soo beegay xuska maalinta Hablaha Aduunka waxaa ka hadashay Ms Hana oo ka tiran Xarunta HRC waxaana ka soo qaybgalayaasha uga warbixisay ujeedada kulankan Doodda ahi daaranyahay waxaanay tidhi “Aniga oo ku hadlay magaca Xarunta HRC waxaan idiinka mahadcelinayaa sida qiimaha badan ee aad uga soo qaybgasheen dood-cliimiyeedkeenan caawa”

intaaa kadib Ms Hana waxay Masraxa doodaasi ku soo dhaweysay Ms Faruus oo  kamida Hablaha bartay Cilmiga Garsoorka “Lawer” oo halkaa ka hadashay waxay sheegtay inay Hbaluhu wiilsha kaga fiicanyihiin shaqada Garsoorka kana caddaaladd badanyihiin ” iyadoo arrimahaa ka hadlaysayna waxaa hadalladii kamid ahaa “wali intii aan Maxkamadaha Joogay maan aragg Gabadh kaliya oo Musuq maasuq iyo wax  isdaba marin shaqada lagaga eryey” ayey tidhi Ms Farduus “Anigu shaqada Garsoorka waxaan soo galay sanadkii 2011 kii hablihii ma loo ogolyahay inay qabtaan shaqada Garsoorka?

Gabadhaasi Lawer-radda ahi waxay tilmaantay inaysan Habluhu shaqadooda ku ciyaarin xiiliyada shaqadana aysan xafiisyadooda ka maqnaanin sida Ragga oo kale “Habluhu xiliga shaqada xafiisyadooda kama maqnaadaan meelahaana Shaaha uma doontaan,Makhaayadahana kama soo sheekeeyaan sida wiillasha oo kale” ayey tidhi Ms Farduus.Ms Farduus waxay xustay inay baryahan danbe Hablaha Garsoorka ku jiraa ay qabtaan kiisas adadagg oo u baahan aqoon iyo karti in lagu maareeyo sida kiisaska dadaka lagu soo eedeeyo inay ku lug-leeyihiin arrimaha Argagixisada oo kale iyada oo arrimahaa sharaxaad  ka bixinaysana waxay tidhi “Habluhu waxay qabtaan Kiisaska dadka lagu soo eedeeyo arrimaha Argagixisada oo kale waxaanay ka qaybqaataan baadhitaanada dhinaca Dambiyada ay galeen dadka arrimahaasi lagu soo eedeeyey”  waxaanay intaa ku dartay inay dumarkii ku soo dhiirradeen inay sheegtaan baahiyadooda dhinaca garsoorka iyo caddaaladda.

Waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Sucaad Odawaa “Carmiye” oo kamida dumarkii lagu soo maamuusay masraxa Dooddaasi waxaanay ka warantay kartida dumarka iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka aduunka isla markaana waxay tusaale u soo qaadatay Dumarka u dhashay dalka Itoobiya oo hormar fiican ka gaadhay dhinaca hormarka Kaxaynta Diyaaradaha iyada oo arrimahaa ka hadlaysayna waxaa hadaladeedii kamid ahaa“Itoobiya waxay Hawada u Dirtay Diyaarad Aywadaan Dumarka oo kaliya waxaana lagu shaaciyey aduunka oo dhan markaa taasi waxay ku tusi karataa inay Dumarku waxkasta qaban karaan”  dhanka kalana waxay tibaaxday inaysan dunida kale jirin meel aan Somaliland ahayn oo dumarka lagu yasayo oo la odhanayo”taa gaadhiga waddaa waa naagg”

“ilaahay Mucjisooyinka layna tusay waxaa kamida inaanu jirin nin kaligii wax dhalikara laakiin dumar kaligood waxdhalay waa la arkay sidii Nabi Ciise Hooyadii ay kaligii u dhashay oo kale” ayey tidhi Ms Sucaad, sidookale Marwo Sucaad waxay xustay markii ay Somalidu dibadaha u qaxeen wixii ay caruuruhu ku baxsadeen  inay dumarka ahaayeen “raggii markay dibadaha tageen waa la waayey nin kaliya oo kaalintiisii ka soo baxa wixii ay qosaskii Somaliyeed ku baxsadeenna Dumarka oo kaliya ayey noqdeen taaana waa la wada ogyahay” ayey tidhi Marwo Carmiye

“waxay noodiidayaan inaanu Garsoore noqono balse waxay noo ogolyihiin inaanu makhaayad shaaha ku karino oo aanu 12 saaxaddod dhexfadhino Ragg Ajaanib ah” ayey tidhi Ms Sucaad iyadoo sharraxaad ka bixinaysay kaalinta ay Dumarku qaban karaan “xuquuqdii I laahay na siiyey ayey Ragga Somaliland noo diidanyihiin” ayey tidhi Ms Carmiye.Geesta kalana waxay xustay inay dumarku dhibaato badan ku qabaan dhinaca Garsoorka gaar ahaan markay timaaddo inay Habluhu ka Dacwoodaan arrimaha Kufsiga waayo waxaa dhacayey sanadihii la soo dhaafay waxa la yidhaado KUFSI WADAREED Hablaha.

Cadnaan Suleymaan Hagoogg yaa isaguna halkaa su’aal la sitaagay waxaanu Hablhii Masraxa dooddaasi fadhiye waydiiyey sababta ay Dooddanugu soo marti qaadiwaayeen Raggii Culimada ahaa waxaanay Sheegeen inaysan Wadaaddadu shirarka noocan oo kale ah jeclayn inay ka soo qaybgalaan marba hadday maqlaan shirkaa waxaa lagaga hadlayaa arimaha Haweenka “walaal waxaan kuu sheegayaa inaysan wadaadadu jeclayn inay yimaadaan shirarka noocan oo kale ah waayo waxaan hubaa haddii loo geeyo martiqaadka inaysan imanayn marba hadday ogaadaan in shirkaa lagaga hadlayo arrimaha Haweenka” sidaa waxaa tidhi Ms Farduus Maxamed Aadan.

Waxaa iyana halkaa ka Hadashay Ms Farduus Maxamed Aadan Oo kamida Hablaha da’dayar ee wax soo bartay gaar ahaan dhinaca arrimaha shareecada Islaamka iyo qodobada sida gaarka ah ula xidhiidha arrimaha Garsoorka iyo Dumarku kaalinta ay ka qaban karaan  waxaanay sharraxaad ka bixisay Erayga Qaadi Ama Charge waxaanay tidhi “Erayga Qaadi ama Charge waa qofkii dadka kala saarayey”ayey tidhi  Mr Farduus Maxamed Aadan.

Geesta kalana waxay Tilmaantay astaamaha lagarabo qofka noqonaya Qaadiga  inuu yahay qof nadiif ah oo aan ahayn kaliya Ragga oo kaliya “Diinteenu may sheegin qofka qaadiga noqonayaa inuu hayay Ragg iyo Dumar midna ma sheegin marka laga reebo Madhabta Shaaficiyada oo iyagu aamisan inaysan Gabadhu noqon karin Qaadiga” ayey tidhi Ms Farduus.

“sababta loogu diiday inay Gabadh kaliya ahi inay noqoto Makhraati waa qalbijileeca ay Ragga ka qalbi jilicsanyihiin ee ay ka naxariisbadan yihiin waayo gabadhu waxaa laga yaabaa markay aragto  qof si xun u dhiban inay  dareen ahaan is badasho dhinaca naxariista awgeed” ayey tidhi Ms Farduus.Iyadoo hadalkeeda sii waddana waxay halkaa ka soo daliilisay Axaadiis ka hadlaysa qofka loo dhiibay Qaadinimada waa la gawracay isagoo aan Midi lagu qawricin iyadoo sidookale halkaa ka akhriday Aayadaha Suutul-nisaa ee sheegaya inay Raggu hogaanka ka leeyihiin dumarka.

“Markuu Rasuulku lahaa May liibaanin qoom amarkooda dumar u dhiibtay waxa uu ula jeeday Madaxweynaha oo kaliya taasoo aanay dumarku qaban karin “hadda annagu Madaxweyne ma doonayno Oo Muuse,Cirro iyo Faysal baa u sharraxan” ayey tidhi Ms Farduus “Caa’isha waxay ahayd Muftiyaddii Islaamka dumarkuna way noqon kartaa wax kasta oo aan ka ahayn Madaxweynaha sida Ra’iisulwasaaraha iyo meelo kale” ayey tidhi Ms Farduus.

Looyaraddaasi waxay tilmaantay in Dumarka looga baahan yahay inay xidhoodkooda iyo dhaqankooda wanaagsan la yimaadaan oo aanay maryo gaa gaaban soo xidhan  oo ay Cawradooda baneeyaan gaar ahaan “Gabadha Muslimadda ah waxaa looga baahan yahay inay Cawradeeda asturto oo aanay soo xidhan maryo gaa  gaaban oo cawradeeda muujinaya tii soo xidhatana waa iyada iyo caqligeeda” ayey tidhi.

“Gabadha Maaliyaddii iyo Qoyskii oo ka wayn baa lagu aaminay balse tan Makhraatiga waxaa loogu diiday waa tan aan sheegayo ee Xagga Naxariista iyo Qalbi jacaylka oo kaliya ee maaha inaysan Qaadi noqon karn” ayey tidhi waxaakale oo ay xustay inay jiraan dumar Diyaaradah kexeeya sidaa darteed haddiiba lagu aaminay Diraayad hawada maraysa in lagu Aamini karo garan maayo sababta loogu aamini la’yahay xafiis iyo qalin iyo Book” ayey tidhi Sharci yaqaanad Farduus Maxamed Aadan.

Waxaa iyana halkaa si kooban uga hadashay  sida Ms Hana oo ka tirsan Bahda Xarunta HRC ee barnaamijkan soo qaban qaabiyey  kaalinta hogaamineed ee Dumarka iyo sidii ay wax u soo maamuleen taariikhdiihore ee Ismaamka  isla markaana qur’aanka lagu sheegay Balqiisa oo kale waxaana isla arrinkaasi ka hadlay Mr Khadar oo kamida dhalinyarada Jaamacadaha ka soobaxay ee Aqoonta fiican lagu tuhmayo waxaanu sheegay inuu taageersanyahay inay Dumarku qaban karaan maamulka Garsoorka dalka isla markaana ay karti iyo calool adaygba u leeyihiin arrimaha kale ee ay Raggu qabanayaan “aniga Gabadhaydu iyadaa iga calool adagg oo marka aan anigu dareen ahaan calool jileec dareemo iyadaa xaggaa igaga fiican” ayuu yidhi Mr Khadar.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa