Published On: Fri, Feb 24th, 2017

Qaraxyo waaweyn oo dhimasho iyo dhaawacba keenay oo ka dhacay dalka Suuriya ayaa lagu soo warramayaa inay geysteen khasaare kaladwan

Dimishiq (BMC)-Qaraxyo ka dhacay dalka Suuriya ayaa la soo sheegayaa inay geysteen khasaare kaladuwan oo dhimasho iyo dhaawacba keenay  maanta oo ay dadku cibaadaysanayeen salaadii Jumcaha,tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi ayaa lagu sheegayaa inay gaadhayaan ilaa 30 qof inta la xaqiijiyey geeridooda halka ay tiro kalana ku dhaawacmeen qaraxyadaasi.

kooxaha xuquuqda dadka Suuriya u hadla ee fadhigoodu yahay dalkaasi Uk ayaa sheegay inay qaraxyadaasi ahaayeen kuwo lala beegsaday dadka ku dhintay qaraxyadaasi.inta badan qaraxyada noocan oo kale ah waxaa fuliya kooxaha isku magacaabay Dawladda Islaamka ee awoodiida la sii wiiqayo kadib markay Gaaladu isugu tageen yaga oo dabada ka riixaya ciidamada dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa