Published On: Tue, Nov 7th, 2017

Premeir Bank Oo Si weyn Loogu Ammaanay Kaalintii Uu ka qaatay Maalgelinta Bulshada Jilicdsan Iyo Qaabkii Ay Ku soo Xusheen Dakaasi (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Horumarka Umaduhu Waxay ku Tiirsanyihiin Horumadka Dhaqaalada iyo Hadba Inta Uu Dhaqaalahaasi Habaysanyahay,Horumarka Dhaqaalaha Umaddana Waxaa Lagu gartaa Awoodda Baanankeedu U leeyihiin Inay Maalgalin siiyaan bulshada Dalkaasi.

Tan iyo Wixii ka dambeeyey Markii Ay Somaliland ku dhawaaqday Inay Ka hadhay Somaliya Inteedakale 18 May Sanadkii 1991-kii Dhaqaalaha Somaliland Waxa Uu ahaa Mid isasoo tarayey Sanad iyo Sanadd Badhkiiba, Waxaanu Horumarkaasi Dhaqaale Ee Somaliland ka hirgalay Ku tiirsanyahay Ganacsiga Bulshada kuwa Dalka Gudihiisa Jooga iyo Kuwa dalka Dibadiisa ka soo laabanaya intaba. Basle Xukuumaddina waxay u sallaxday jawi Nabad galiyo ah oo ay dadkaasi xoolohooda dalka ku aamini-karayaan taasina si dhibyar kumay inan balse waxay ku timid Bushadii Somaliland Oo is aamintay iyo Heshiisyadii ay isla wada qaateen Beelihii Somaliland Oo Dhan.

Premier Bank Waxa Uu kamid yahay Baananka Gaarka loo leeyahaya Ee kamadaxa banaan Maamulka Gacanta Dawladda Marka laga Reebe Dajinta wixii Shuruuc ah Ee Baankaasi Uga baahanyahay dhinaca Xukuumadda mooyee, Premier Banka Oo Xaruntiisa Somaliland lafuray Sanadkan aan ku jirro Bilawgiisii Ayaa si weyn Loogu Ammaanay Kaalinta Uu ka qaatay Kobcinta Dhaqaalaha dalka iyo qaabkii wanaagsanaa ee ay ku soo xusheen dadkii ay siiyeen lacagihii maalgelinta Ee Sanadkan sii dhamaanaya Ee 2017.

Ammaantaasi Banka Premier iyo Kaalintiisa Maalgalineed Ee uu ku Gacan-qabtay Qaybo kamida kuwa Bulshada ugu mudan in la Badhitaaro Oo uu siiyey Dhaqaale Maalgalineed Oo ay ku kaabayaan Noloshooda horumarkeeda, Dadka Uu Banka Premier Maalgelinta dhaqaale ku badhitaaray Waxaa kamida Durmarka Dhuxusha ka Ganacsada,Ciyaalka yaryar Ee Kabaha Baalasheeya “Shoes Shiners” iyo Dadka Suuqa kaga shaqaysta Xirfadaha Dilaal-nimada.

Salaasadiihore Shir ballaadhan Oo ciiwaan looga dhigay Qorshaha Waxqabadka 5 Sano Ee Soosocta Ee Baanka dhexe ee Somaliland  2018/2022 Ayaa lagu Soo Casuumay Baanka Premeir Iuu kamid noqdo Baananka Madaxabanaan Ee Qaybta ka qaatay horumarka dhaqaalaha Somaliland,Madaxa Iibka iyo Suuqgeynta Ee Premier Bank Liibaan Ismaaciil Cali Oo Shirkaasi U matalayey Premier  Waxa Uu Madashii Shirkaasi ka  jeediyey Khudbadd Aad u qiimo badan isla markaana Taanayeysay Maanka iyo Maskaxda ka soo qaybgalayaashii Shirkaasi.

Masuuliyiintii Shirkaasi Fadhiyey Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim “Dhoobaale” Ku xigeenkiisa Professor Cumar Yuusuf Buux,Agaasimaha Guud Ee Cabdillaahi Xasan,Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees,Saraakiisha Baananka Dahabshiil International iyo Wasaaradda Maaliyadda Agaasimaheeda iyo Shaqaalaha Laamaha Baanka Dhexe.

Sidookale Shirkaasi Jaangoynta Qorshaha sanadaha aan xaggasare ku soo Sheegnay Waxaa ka soo shaqeeyey Daadihintiisana qayb wayn ku lahaa Iid Cali Salaan Oo kamida Dadka aqoonta fiican u leh arrimaha Baananka isla markaana muddo 23 sano ah ka soo Shaqaynayey City Bank oo ku yaalla Dalkaasi Uk.

Baanaka Madaxa banana Ee Shirkaas ka soo Qaybgalay Mid-waliba Waxaa la siiyey fursadd Uu ku soo Bandhigo Qorshaha Waxqabadkiisa sanadaha soo socda iyo Saanadihii-tagay Waxa Uu Bulshada ku taageeray ama ku maalgaliyey dadka Ganacsigooda Liibaan Ismaaciil Cali Oo Ku hadlayey Magaca Premier Bank Waxa uu Ahaa Ninkii Ugu Dambeeyey Baananka balse taa macnaheedu may ahayn Inaanay Khudbaddiisu Manco badan lahayn hasa yeeshee waxa uu Noqday Sarkaalkii Ugu Khudbadda Macaanaa Ee Baananka Madaxabanaan Waxaanu jeediyey Erayo si weyn u dhaqaajiyey dareenka Daawadayaashii Xafladdaasi fadhiyey maadaama Uu carrabka mariyey meelihii ugu muhiimsanaa ee Ay sanadkan siiyeen Maalgalintooda.

Waxaana kamid ahaa Kuwa aan xaggsare Ku soo sheegnay isaga oo Ariimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “Aniguu ku hadlaya magaca Premier Bank sharafweyn bay ii tahay inaan manta ka soo qaybgalo Shirkan Jaan-goynta qorshaha wax qabadka Baanka dhexe ee Somaliland” Mr Liibaan Waxa Uu Sheegay sidookale inuu ku faraxsan yahay Inuu arko Baankii dhexe Oo Gudanaya Waajibaadkiisii shaqo isla markaana kor u soo qaadaya Awooddiisa Dhaqaale iyo Sharciyeed intaba “maanta Waxaan arkayaa Baankii-dhexe Oo inoo soo Bandhigaya Qorshaha wax qabadkiisa ay bulshadu uga fadhiday inuu U qabto”

Premier Banka makii uu Jeedinayey Erayadii Khudbaddiisa Sacabka iyo Qosalkuba waxay ahaayeen kuwo hadheeyey Madasha Shirkaasi Waxaanay Daawadayaashu Indhaha iyo dareenkoodaba si toosa ungu hayeen Erayada Khudbadda Uu jeedinayey Premier Banka manajirin intii ay socotay Khudbaddii Premier Bank qof qudheeta Oo Madasha ka baxay iyo mid kacay toona “annagu Ka Premier ahaan dadkii Aanu Sanadkan siinay Maalgalintu waxay ahaayeen  Kuwii bulshada ugu jilicsadasaan waxaana ka mid ahaa Islaamaha Dhuxusha Suuqyada ku Iibiya,Ciyaalka yaryar Ee Kabaha Baalasheeya iyo dadka Suuqyada kaga shaqaysta Faramada Dilaal-nimada” ayuu yidhi Mr Liibaan.

Sida aynu dhamaanteen la wada Socono Baananka Gaarka loo leeyahay Ee dadka siiya Maalgalinta Lacageed si dhibyar kuma bixiyaan Lacagaha markay qofka siinayaan Waxaanay mariyaan Shuruudo add-adagg Oo aanay dadka Oo dhami wada qaadi-karin Tusaale ahaan waxay Yidhaadaan waa inaad keentaa Qof-damiinul-maal ah Oo ku damiinta Taasina waxay dhibaato ku tahay Dadkii danyarta ahaa Oo inbadan Oo Kamid Ahi aanay helikarin Qof maalqabeen ah Oo Shirkadaha ka soo damiinta.

Haddaba Qodobadii aadka u dhaqaajiyey dareenkii Madasha Shirkaasi Ee Premier Banka soo bandhigay Waxaa kamid ahaa Inaanay iyagu dadka Danyarta ah Shuruudaha Maalgalinta ugu adkaynin Sida Baananka Kale isagoo arrimahaa sharraxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi “ Annagu marka Aanu dadka siinayno lacagaha Maalgelinta ma dul-dhigno shuruudo Aanay Qaadi Karin balse waxa kaliya Ee Aanu ku Xidhnaa waa inay Yihiin Somaliland dadkii u dhashay oo kaliya iyo inay Noo Keenaan Cadaynta Somaliland-nimadoo iyo inay Hasytaan Kaadhkii Dhalashada Somaliland”

Mr Liibaan Markay Erayadaasi ka sii dhamaanayeen afkiisa Madasha shirkaasi Waxaa isla Oogsaday Markaliya Sacabka iyadoo la arkayey qaarkamdia Daawada yaashii Madasha fadhiyey Oo Qosalka dhoollo cadaynaya.

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees Oo ahaa Wasiirkii Xukuumadda Afkeeda ku hadlayey Ee Shirkaasi lagu Soo Casuumay Waxa Uu Sheegay Khudbaddii Uu Jeediyey Premier Bank inay ahay Tii ugu Macaanayd Khudbadihii laga jeediyey madashaasi Isagoo ku tilmaama inay mudanyihiin Premier Bank inay Baanan Ka kalana ku daydaan qaabka ay Premier u mareen Maalgalinta Bulshada jilicdasan isagoo Wasiirku sharraxayay Dareenkiiisa sida ay dhaqaajisay Khudbaddii Premier Bank waxa uu Yidhi “Qolada Premier Bank Waxaan Iyaga Si gaara Ugu Ammaanayaa Sharraxaaddii ay ka bixiyeen Waxqabdkii Baankooda Sanadkan Oo ahayd Mid aad iyo Aad u macaanayd”

Wasiir Abees Waxa Uu sheegay Premier Bank marka la eego qaabka ay  U mareen Maalgelintooda Bulshada iyo halka ay ka bilaabeeniba Inay tahay  waxa ku dayasho mudan isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “ Premier Banka marka la eego Halkii ay ka bilaabeen iyo qaabka ay u maalgaliyeen bulshadu waa  mid ku dayasho mudan Baananka kalana waxaan u soo jeedinayaa inay Premier kaga daydaan qaabka maalgelinta”

Erayadaasi makii ka sii dhamaanayeen Afka Wasiirka Madaxa waxaa ruxay Sacabka iyo Dareenkii soo jiidashada lahaa Ee sidii aan kala hadhka lahayn loogu riyaaqay Premier Bank iyo Waxqabadkiisa sanadkan sii dhamaanaya Ee Arrimaha maalgelintiisa iyo qaabkii wacnaa ee Ay U soo xusheen dadkii danyarta ahaa Ee Sanadkan Premier Bank Fursadaha ka helay “Baananka kale iyagana waxaan ku odhan lahaa inay ka bilaabaan halkaa hoose ee Uu Preier Bank ka soo bilaabay iyagoo aan ogahay inay hawlo badan qabtaan qudhoodu” ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Soomaliland.

Gabagabadii Khudbadahaasi markii ay ka sii baxayeen Waxaa la arkayey ka soo qaybgalayaashii Shirkaasi Oo salaanta iyo Dhoollo-cadaynta kula ciiraya Sarkaalkii Premier Banka Ee Khudbaddaasi qiimaha Badan Ka  jeediyey Shirkaasi Mr Liibaan Ismaaciil Cali

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa