Published On: Fri, Feb 24th, 2017

Banaanbax weyn oo lagu taageerayo Ra’iisulwasaaraha cusub ee Madaxweyne Farmaaajo soo magacaabay oo lagu qabtay Daljirka Dahsoon ee caasimadda Muqdisho

Muqdisho (BMC)-Bannaanbax ballaadhan oo lagu taageerayo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayrre oo uu Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo shalay kaasoo lagu wado in la horgeeyo Golaba Baarlamaanka si ay kalsoonida u siiyaan isaguna halkaa uga ambaqaado sidoo ku soo dhisi laha xukuumadda cusub ee looga fadhiyo inuu ku soo dhakhsado xukuumadaasi.

Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka Gobalka Banaadir waxaa k asoo qaybgalay hogaanka maamulka Banaadir,Gudoomiyaha haweenka Somaliya ee Gobalka Banaadir,Oday dhaqameedka Gobalka Banaadir ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha dhaqan beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad,ururka Naafada Somaliya ee xaruntoodu tahay gobalka Banaadir gaar ahaan Ispitaalka Martiini iyo dadweyne farabadan oo isaga kalayimid degmooyinka caasimadda Muqdisho.

masuuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo xubno kale oo halkaa ka hadlay iyo khud badahoodii oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo halkan hoose.

www.Baadiye.com

Xafiiska Muqdisho