Published On: Sat, Feb 25th, 2017

Ururrada RSF iyo CPJ oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay ku boorriyey inuu tallaabo ka qaado ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta aduunka

New York (BMC)-Hogaanka sare ee ururrada RSF iyo CPJ ayaa ku boorriyey xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Antonio Guterres inuu tallaabo cad ka qaado difaaxa xuquuqda suxufiyiinta aduunka oo ay dhibaato badani ku xeeran tahay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ay bulshada u hayaan,Gudoomiyaha ururrka wariyayaasha aan xuduudda lahayn ee loo soo gaabiyo magacooda RSF Mr Christopher Deloire iyo xoghayaga uud ee ururrka Gudiga ilaalinta Saxafiyiinta ee loo soo gaabiyo magiciisa CPJ Mr Joel Simon ayaa xoghayaha guud ee qaramaa midoobay Mr Guterres kulan ay la qaadeen kala sheekaystay dhibaatada ay qabaan saxaafadda aduunku waxaanay u soo gubdiyeen xad gudubyada ka dhanka ah saxaafadda ee dhacay sanadkii la soo dhaafay ee 2016 tiradii dhimatay iyo inta lagu xadgudbay intaba.

“waxaan aad u soo dhaweynayaa xoghayaha guud ee qaramaa midoobay aniga oo ku si xooggleh ugu dhaggan ilaalinta xuquuqda saxaafadda iyo madaxbanaanidooda” sidaa waxaa yidhi Mr Christopher oo ka hadlayey kulanka ay la yeesheen Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Guterres,dhakna kalana Mr Joel ayaa isna dhiniciisa ka sheegay inay suxufiyiinta aduunku la kulmayaan bahdilaad iyo tacaddiyo ka dhan ah ficil ahaan iyo muuqaal ahaan intaba “suxufiyiinta aduunku waxay la kulmayaan dhibaatooyin ka dhan ah muuqaal ahaan iyo ficil ahaanba” sidaa waxaa yidhi Mr Joel.

www.Baaadiye.com

Xafiiska Hareysa