Published On: Sun, Feb 26th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyey rajadii wanaagsanayd ee uu boqortooyada dalka Sacuudiga kala soo laabtay

Muqdisho (BMC)-Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay shalay waxaanu warfidiyeenka u sheegay inuu soo qabtay hawlo wax ku ooll ah sida inuu soo cimraystay,inuu hogaamiyaha dalkaasi Sacuudiga u bandhigay liis dhan oo codsiyo lacageed iyo dib u dhiska dalkuba ku taxanyihiin iyo qaarkale.Mr Farmaajo waxa uu sheegay waxyaabihii uu hordhigay dalkaasi boqortooyada Sacuudiga inay xukuumadda Sacuudigu qalbi furan ku soo dhaweysay ila markaana ballan qaadeen inay oofindoonaan dhamaan qodobadii uu Madaxweyne Farmaajo hordhigay Boqor Salmaanka dalkaasi Sacuudiga “dhamaan waxyaabihii aanu ka codsanay boqortooyada dalkaasi Sacuudigu way naga aqbaleen inay naga caawin doonaan” ayuu yidhi Mr Farmaajo.

waxyaabaha xaggahore kaga jiray liiska codsiga ay xumuumadda Somaliya u gudbisay dalkaasi Sacuudiga waxaa kamid ahaa inay xukuumadda cusub ka taageeraan dhinaca miisaaniyadda dalka si ay joogto ugu bixiyaan mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dalka,dib u dhiska wadooyinka dalka isku xidha oo dhan,Madaar cusub oo lagu soo kordhindoono caasimadda Muqdisho maadaama uu Airport giihore dayactir badan u baahanyahay ila markaana dhismihiisu ahaa wakhtihore.

dhanka kalana warar hoose oo soo gaadhay shabakadda Baadiye ayaa sheegaya qorshuhuu Madaxweynuhu ku tagay boqortooyada Sacuudiga inay ku hoosjireen arrimokale oo intaa sii dhaafsiisinaa waxaanu warkaasi tibaaxayaa inay xukuumadda Sacuudigu Madaxweynaha Somaliya ugu yeedhay inuu aqbalo isla markaana qalinka ku duugu inay Ciidamada is bahaysiga khaliijku saldhig millatari ka samaystaan xeebta Berbera si ay shiicada dalka Yeman halkaa ugaga duulaan waxaanu warkaasi sheegayaa inuu Madaxweyne Farmaajo soo aqbalay arrintaasi waxaanay warku intaa ku sii darayaan inay taa badalkeeda boqortooyada Sacuudigu Farmaajo u ballan qaadeen inay bixinayaan lacag dhan $30 Millyan Dolar.

www.Baadiye.com