Published On: Sat, Nov 25th, 2017

Muran-Gobaleedka Jubaland Iyo Hay’adaha Qaxootiga Caawiya Oo Xero Uga Dhisaya Qaxootiga Ka soo Laabanaya Dalka Kenya

Kismaayo (BMC)-Muran-Gobaleedka Somaliyeed Ee Degmada Kismaayo Ayaa Duleedka Xarunta Gobalka Jubada-hoose Ee Kismaayo Ka dhisaya Xarun lagu Xanaaneeyo Dadka Qaxootiga ah Ee ka soo Laabanaya Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Degmada Kismaayo Oo wehelinayaan  Saraakiisha Qaramada Midoobay Ee Ka hawlgala Hay’adaha ka Shaqeeya Arrimaha Barakacayaasha Ayaa Soo kormeeray Goobta Laga dhisayo Xerada Cusub Ee Dadka Barakacyaasha ka soo Laabanaya Kenya Loogu Talogalay  Inay Hoy U noqoto.

Cabdirashiid Caafi Oo ah Ku hadlayey Magaca Hay’adda Mercy Corp Oo  halkaa ka hadlay waxa  Uu Sheegay Inay Haaddiisu Gacanta Ku hayso dhismaha Xeradaasi,dhanka Kalana Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Oo isaguna halkaa ka hadlay Waxa uu Sheegay Inay ka Maamul ahaan Wax ka qaban doonaan Adeeggyaa ay Bulshadu u baanyihiin Ee Kismaayo Waxaanu si Gaara u xusay Xeradan Loo samaynayo Dadka Soo laabanaya.

www.Baadiye.com