Published On: Sun, Feb 26th, 2017

Halkan hoose ka daawo Madaxweynaha Fadaraalka Mr Farmaajo oo maanta booqday xarunta taliska Asluubta una babllanqaaday inay ciidamadu mushahar joogta ah iyo daryeelba helidoonaan

Muqdisho (BMC)-Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka ah ee Somaliya Md Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada taliska Asluubta Somaliya isla markaana niyadda u dhisay ciidamadaasi waxaanu Madaxweyne Farmaajo si raxmadleh madaxa ugu salaaxay wiillyar oo ku lebisnaa dharka ciidanka Asluubta kaasoo kamida ciyaalka yaryar ee agoonta ah ee ciidanka Asluubta “aaway wiilkiiyaraa ee aan halkaa ku arkayey iigu yeedha” ayuu yidhi Md Farmaajo.

“anagu markii aanu isaga la ekayn saraakiishiihore ee ciidamadii Asluubtu way noo naxariisan jireen oo beerka ayey naga taabanjireen” ayuu yidhi intuu wiilkiiyaraa ¬†madaxa u salaaxay,Mr Farmaajo waxa uu yidhi “waxaan idiin ballan qaadayaa inaad si joogto ah u helidoontaan mushaharkiina iyo raashinkiina” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo,markii ay erayadaasi afkiisa ka soo baxayeen Madaxweynaha waxay madashii isu badashay sacab iyo farxad iyo damaanshaad.

hadaba halkan hoose ka daawo khudbaddii Madaxweynaha iyo shucuurtii madasha tiillay iyo sidii uu jawigu ahaa

NB:Sawirradan waxaa xuquuqdooda iska leh Allbanaadir.com

www.Baadiye.com