Published On: Tue, Nov 28th, 2017

Guluf colaadeed Oo Ka dhan Ah Kooxaha Qaraxyada Abaabula Oo Ka bilawday Gobalka Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfurta Dalka waxaa ay ka bilaabeen Guluf Dagaal oo ka dhan ah Maleeshiyada Argagixisada Al shabaab.

Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in ay Bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay doonayaan in Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab looga saaro deeganada ay wali kaga harsan yihiin Gobolka Bakool oo ka mida Gobolada hoos yimaada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Maxamed Xasan C/raxmaan Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi ayaa soo sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay u ruqaansadeen deegaano  ka tirsan Bakool oo ay maleeshiyadu ku dhibaatayso Shacabka Soomaaliyeed.

Gulufka Dagaal oo ay Gobolka Bakoool ka Bilaabeen Ciidamada Xoogga Dalka ayaa imaanaya iyadoo Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur galbeed Xasan Xuseen Maxamed “Xasan eelaay” uu socdaal maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay Deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidamada Xoogga Dalka  oo kaashanaaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM  ayaa Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ka saaray deegaano badan oo dhaca Koonfurta Dalka halkaasoo ay dhibaatooyin guracan ugu gaysan jireen Shacabka Soomaaliyeed.Xigasho.Radio Muqdisho

www.Baadiye.com