Published On: Tue, Nov 28th, 2017

Mashruucii Tayeynta Shaqaalaha ee Bangiga Aduunka oo Kor u qaaday Musuqa iyo Maamul Xumadii hore ee Puntland

Garawe (BMC)-Ka dib burburkii ku dhacay dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay hay’adihii dowladda iyo shaqooyinkii ay u qaban jireen shacabka, taas bedelkeeda waxaa wadanka aad u ugu soo batay ha’adaha maxalliga ah iyo kuwo caalami ah oo dhamaantood doonaya in ay gacan ka gaystaan helidda baahida aasaasiga ee shacabka. hay’aduhu(NGOs) waxay sidoo kale qayb fiican ka qaataan shaqalaysiinta dhalinyarada iyagoo bixinaya mushahaar dhalinyaro badan oo wax baratay soo jiitay.

Dhinaca kale, mudadaas dheer waxay umada Soomaaliyeed ku hawlanayd sidii dib loogu yagleeli lahaa dowlad Soomaaliyeed. Sanado badan ka dib, waxaa lagu guulaystay in la sameeyo dowlad dhexe iyo maamul-goboleedyo ay ka mid tahay Puntland, ayaandarrada dhacday ayaase noqotay in maamulada la sameeyay aysan dabooli Karin baahidii loo asaasay.

Qayb ahaan arintaan waxaa loo aaneeyay, tayo la’aanta shaqaalaha oo ay sababtay mushahaarka dowlada oo aad u yar, tusaale ahaan, agaasimaha wasaaradeed ee Puntland wuxuu xaq u leeyahay Mushahaar $70, halka hay’aduhu aan dowliga ahayn ay ka siiyaan shaqaalahooda ugu hooseeya lacag aan ka yarayn $500. Taasi waxa ay keentay in lawaayo shaqaale aqoon leh oo jooga wasaaradaha dowlada.

Sanadkii 2015, Bangiga Aduunka iyo maamulada ka jira Soomaaliya waxay isla garteen in arinkaas xal loo helo, waxaa laysla gartay, qaabka ugu haboon inuu yahay in la helo shaqaale aqoontoodu sarrayso oo ka caawiya wasaaradaha dhinaca technical-ka, una tababara shaqaalaha, iyo in shaqaalaha hada jooga mushahaarkooda la kabo, bangiga aduunkuna uu bixiyo mushahaarka

Barnaamijkaanu waxa uu noqon lahaa guul weyn oo u soo hoyatay Puntland, hadii uu u fuli lahaa sidii loogu talogalay, nasiib darro-se waxaa uu sii tabantaabiyay maamul-xumadii hore u ragaadisay hay’adaha maamulka. Qaybtii ugu horaysay ee shaqaalaysiintu waxay bilaabmatay sanadkii ina soo dhaafay 2016, ayadoo mar qura la xayaysiiyay 60 boos oo u baahnaa khibrad gooni ah, boosaskaas dhamaantood waxa la siiyay dad aan khibrad iyo aqoon toona ulahayn, waxaase rajo dhig noqotay markii laga war helay in ay dhacday wax ku cusub dhagaha shacabka waa IIBSIGA SHAQOOYINKA, taasoo uu dhaqaaqay agaasimaha hay’ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

QAABKEE U XAGAL DAACIYAY MASHRUUCU SHAQADII DOWLADA

Sida ay Qortay Shabakadda Allbanaadir Waxaan inaba la inkiri Karin, in dadkii hore uga shaqaynayay wasaaradaha Puntland ay ahaayeen dad waaweyn oo hore ula soo shaqeeyay dowladii dhexe, inkastoo aysan badi haysan shahaadooyin sare oo jaamacadeed hadana waxay usoo dhabar adaygeen xilliyo adag iyo mushahaar aad u yar mudo dheer. Waxa kaliya ee ay filayeen waxa uu ahaa in ay arkaan dad aqoontoodu durugsan tahay oo ay caawimaad ka helaan, balse ay niyad jabisay markii dad ka aqoon liita oo hadana lacag farabadan ku qaadanaya khubaro iyaga caawisa laga soo buuxiyay wasaaradihii kuwaas oo lacagtooda ku IIBSADAY shaqooyinkaas. Arinkaasu waxa uu hoos u dhigay shaqooyinkii ka socday dhamaan wasaaradaha Puntland.

QAYBTII LABAAD EE SHAQAALAYSIINTA EE HARDANKA MADAXTOOYADA

Bishii luulyo ee sanadkan waxaa markale lasoo xayaysiiyay qaybtii labaad ee shaqaalaha oo ka kooban 36 boos oo isugu jirta Lataliyayaal, agaasimayaal, iyo madax-qaybeedyo. Waxaa  markiiba bilaabmatay in qof kasta uu diyaarsado lacagtii uu ku gadan lahaa booska uu doonayo, boosaska sarsare ee lataliyayaasha ayaa loo qoondeeyay rag wasiirnimo ka waayay isku shaandhayntii ugu danbaysay ee dowlada, boosaska intii hartayna waxaa suuqa xaraashka soo dhigay agaasimaha hay’ada shaqaalaha, boosaska waxaa lagu iibsadaa labo nooc 1) boosaska hoose qiime ahaan waa $3000-5000 2) boosaska lacagta fiican ah agaasimuhu wuxuu ku leeyahay saami tusaale ahaa hadii boosku uu yahay 5000, 1500 waxaa bilkasta qaadanaya agaasimaha.

Todobaadkii ina dhaafay waxaa la qaaday imtixaankii lataliyayaasha waxaase eeggiiba hareeyay fadeexo, ka dib markii ay ku soo baxeen rag dhamaantood hore loo hadal hayay. Arinakaasoo ka caraysiiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kala diray gudidii (panel) imtixaanka qaadayay. Madaxweyne ku xigeenka doodiisu waxay ku qotontaa “kol hadaan tartan cadaalad ah lagu qoreyn shaqaalaha waa in qabiilkasta ka helaa qoondadiisa”

MAXAA XAL AH?

Waxaan caad saarnayn in barnaamijkaanu uu yahay fursadii ugu weynayd ee Puntland ay ku heli karto hay’ado shaqeeya oo leh tayo iyo awood, sidaa awgeed waxaa haboon in mashruuca loo gacan galiyo dad lexejeclo ay ka hayso wadanka lagana daayaa musuqa

Waxaa ayaandarro ah Bangiga aduunka oo ah hay’ad sheegata in hormuud ay u tahay la dagaalanka musuqmaasuqu in ay forontilayn ama nooc cusub oo musuqa ay u horseedo Soomaaliya, waxaa sidoo kale caloolxumo ah in madaxweynihii maamulka uu maalin walba faraha kula jiro shaqaalaysiin wasaarado loo samaynayo, ayadoo ay dayacan tahay shaqooyinkii waaweynaa ee dalka.

 

Cabdi Gaydh Siciid

Abdigaydh10@gmail.com