Published On: Wed, Nov 29th, 2017

Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Dalka Maraykanka Oo Sarkaal-sare Oo Daacishta Somaliya Ka tirsanaa Ku dilay Duqayn Ka Dhacday Bariga Boosaaso

Hargeysa (BMC)-Diraaradaha Aan Duuliyaha lahayn Ee laga leeyahay Dalka Maraykanka Ayaa Dagaal xagga Hawada ah ku qaaday Deegaanno ka tirsan Muran-gobaleedka Puntland Ee Koonfurta Somaliya Halkaasoo Ay ku suganaayeen Kooxo ka tirsan Kuwa Waxqarxiya.

Waxaana la xaqiijinayaa sida ay Qorayaan Shabakadaha Wararka Xagga Internet-sida Jowhar iyo meelo kale Sarkaal sare  tirsan Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqeyn Isniintii la soo dhaafay ka dhacday meel 70KM dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Mareykanka ayaa sheegay inuu fuliyo duqeyn cirka ah oo lagu dilay xubin ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya, inkastoo aanu magaciisa sheegin, hase ahaatee duqeyntan ayaa ah tii labaad oo bishan lagu qaado xubno ka tirsan Daacish

Ilo ku dhow dhow Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Sarkaalka lagu dilay duqeynta lagu magacaabayay C/casiis Guure oo Daacish u qaabilsanaa dhanka Saadka ama Logistics.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Daacish oo ku aadan warka soo baxay ee sheegaya in la dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururkooda.

Ururka Daacish ayaa dhaq dhaqaaqyo fircoon ku leh deegaanada buuraleyda ee Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaa sanad ka hor ay qabsadeen deegaanka Qandala oo ah deegaan istiraatiiji ah, inkastoo ciidanka Puntland ka saareen.

www.Baadiye.com