Published On: Tue, Dec 5th, 2017

Madaxweynihii-hore Ee Dalka Yeman Cali Cabdalla Saalax Oo Kooxaha Xuutiyiintu Ku Dileen Duleedka Caasimadda Sanca

Sanca (BMC)-Madaxweynihii-hore Ee Dalkaasi Yeman Cali Cabdalla Saalax Ayaa lagu dilay Duleedka Magaalada Sanca kadib Markii Ay Gacanta Ku dhigeen  Dagaal xoogg badan oo maalmihii la soo dhaafay ka soconayey Caasimadda Sanca Ee ay gacanta ku hayaan Kooxaha Shiicada ahi.

Mr Saalaxa ayaa lagu soo warramay Inay Kooxahaasi dilidoonaan kadib markii uu ku dhawaaqay maalmyo yar uu n ka hor inuu diyaar u yahay inuuu heshiis iyo wadahadallo la galo Isbahaysiga Uu Sacuudigu Hogaaminayo Ee Dagaalka ba’an kulajira Kooxaha Xuutiyiinta Taageerada badan ka helaya Dawladda Iiraan.

Mr Saalax ayey Kooxahaasi Madaxa gooyeen isaga oo ku sii jeeday deegaanka Beeshiisu ku badan tahay Ee Duleedka Caasimadda Sanca halkaasoo ay jidka u galeen kadibna faraha ku dhigeen Madaxweynihii-hore Mr Saalax,Kooxaha Mr Saalax Gacanta ku dhigay waxay Madaxa kaga dhufteen Wala Wayn oo kala jeexday Xagga Dambe ee Qadaadka dhanka Bidixda ah.

Kooxahaasi Shiicada ah ayaa la arkayey iyagoo Maydka Cali Cabdalla Saalax ku sida Gaadhi Xaajiyad ah iyaga oo ku dhawaaqayey Allaahu Akbar iyo Erayo Kale oo ay ku muujinayeen Dareenkooda farxadeed Maadaama ay isu arkayaan Inay Guuleysteen haddiiba ay Dileen Madaxweynihii-hoore Cali Cabdall Saalax.

Dhanka kalana Dilka Madaxweynihii-hore Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu wadaa inay Horseedidoonto Dagaallo horleh oo ka dib uga curta kaasoo dhexmaridoona Qabaa’illada ay ka soo Kala jeedaan Cali Cabdalla Saalax iyo Qabaa’ilka uu ka soo Jeedi Hogaamiyaha Kooxaha Xuutiyiinta ee Dilay Mr Saalax.

www.Baadiye.com