Published On: Tue, Dec 5th, 2017

Shirkii Kaabista Iyo Wax-ka badalka Qaarkamida Sharciga Baanka dhexe Oo Maalintii 2-aad Ka soconaya Hotelka Maan-soor (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Shirkii Kaabista Iyo Waxka badallka Xeerka Baanka dhexe Ayaa maalintii 2-aad ka soconaya Hotelka Maan-soor Ee Hargeysa,Shirkan Oo galay Maalintiisii-2-aad Waxay ka soo qaybgalayaasha Shirkaasi Ka doodanayaan Arrimaha la xidhiidha Bangiyada Islaamiga ah Iyo xeerarkooda loo marayo qaabka ay u shaqeeyaan,Duruusta Shirkaas laga bixinayo waxaa qaadaa dhigaya Khubaro u dhalatay Waddamo-shishiyee gaar ahaan Eeshiya iyo Africa.

 Madasha Doodaha ka baxaya Kulankaasi Waxaa ka qaybqaadanaya Saraakiisha Baanka Dhexe,Baanaka Gaarka loo leeyahay Ee  Madaxa Banaan Sida Dahabshiil International Bank,Premier Bank iyo Ururka Xawaaladaha Somaliland ku midoobeen, sidookale waxaa shirkaasi ka soo qaybgalay Xafiiska Xeer-ilaalinta iyo Hay’ado-kale Waxaanay intuba ka doodayaan sidii meesha looga saari lahaa qodobada aan ku haboonayn xeerka Baanka dhexe isla  markaana loogu kaabi lahaa kuwo kale oo ku haboon.

furitaankii Shirkaasi ka hor waxaa ka soo qaybgalayaasha ujeedada kulankaasi u ballbalaadhiyey Madaxa xafiiska Kormeerka Cabdiraxmaan Muuse Daakir waxaana hadalladiisii kamid ahaa “Masuuliyiinta 3 da cisho ee Shikani inoo soconayo casharrada inna siindaanaa waxay Kaabis iyo Waxka badallba ku samayn doonaan Xeerarka Maaliyadeed ee Dalka sida kuwa Baanank dhexe iyo Islaamiga ah”

Mr Daakir waxa uu Sheegay inay Kaabiddan iyo Waxkabadalkani saamaynayaan Xeerarka aan wali sida buuxa sharci u noqon ee wali Horyaalla Baarlamaanka kuwaasoo aan la soo ansixin wali “Waxaa kale oo ay khubaradani kaabista iyo wax ka badalkooda ku daridoonaan kuwa Darafts-ka ah “aan wali la soo ansixin” sida xeerka maydhitaanka lacagaha “Money Ladary” iyo xeerka la yidhaado Mobile Money kaasoo uu dhawaan Baanka dhexe sameeyey” ayuu yidhi Mr Daakir.

Intaa kadib waxa uu Hadalka ku soo dhaweeyey Agaasimaha Baanka dhexe Cabdullaahi Xasan Axmed Waxaanu Agaasimuhu ka warramay Shirkan iyo Umuuraha ku xeeran doodihiisa lagaga hadlidoono waxaanu markahore mahadd ballaadhanu celiyey ka soo qaygalayaashii ka kalayimid hay’adaha kaladuwan kuwaasoo shaqooyinkoodii uga soo fasax qaatay si ay uga qaybqaataan doodaha Xeerkaasi Haddii aanu nahay Baanka dhexe Waxaan aad ugu mahad naqaynaa hay’adaha maaliyadeed  ee soo ajiibay intay shaqooyinkiidii ay hayeen ka soo tagaan ka qaybqaataan shirkan lagaga hadlayo xeerarka dhawrka ah” ayuu yidhi  Mr Xasan.

Agaasimuhu waxa kale oo Uu u mahad celiyey saraakiisha Hay’adda E&Y ee loo soo gaabiyo magaceeda Ersnt &Young Oo ah gacanyarayaasha Baanka Aduunka wakiilka aga ah shaqadan ay la wadaan Baanka dhexe Ee Somaliland “waxaan iyana aad ugu mahad-celinayaa Shirkadda E&Y Oo markastaba tixgelisa soona dhaweysa talooyinka ka soo baxa  Shirarka noocan oo kale ah” ayuu yidhi Cabdullaahi Xasan Axmed Agaasimaha Baanka dhexe Ee Somaliland.

Waxaa iyana halkaa warbixinno kaladuwan ku soo bandhigay Mr Richard,Maria Torrado iyo Ms Anjarwalla Oo intuba ka socday Hay’adda Ernst Young kuwaasoo madasha shirkaasi ku soo bandhigay Arrimaha la xidhiidha magacaabista Gudoomiyaha Baanka iyo Boodhka  “xubnaha gudida Baanka” cidda ku haboon iyo cidda awoodda u yeelanaysa soo magacaabista Gudoomiyaha Baanka hadhawna awoodda u leh inay xilka ka qaaddo iyo qaarkale.

Maalintii 2-aad ee Kulankaasi markii laysugu soo laabtay Waxay doodaha shirkaasi ku bilawdeen Xeerarka Baananka Islaamiga ah iyo shuruucdooda sida ay Caalamka uga shaqeeyaa isla markaana loo waafajin lahaa Shaqada Baanka dhexe Ee Somaliland Atiq Anjarwalla Senior Partner Anjarwalla & Khanna, Advocates ,Nairobi, Kenya iyo Muhammad Ashfaq, CEO, Amanah Institute of Islamic Bankink and Finance ayaa iyana warbixinnadooda ku bilaabay Baananka Islaamiga ah iyo sida ay u shaqeeyaan marka la eegayo xeearka caalamiga ah ee Waafaqsan Ganacsiga ku salaysan Shuruucda Islaamka.

Saraakiisha Baanka Dahabshiil International Bank,Premeir iyo qaarkale ayaa halkaasi ku soo Bandhigay Su’aalo ay u baahnaayeen caddaymahooda la xidhiidhay arrimaha Baananka Islaamiga ah kuwaasoo ay Khubarada ka socotay Hay’adda Erst Young waxaanay saaraakiishaasi.qaybtii 2-aad ee Kulanka Shirkaasi ayaa lagu soo gabagabeeyey Intaas iyadoo Qaybta 3-aad Ee ugu dambeysa laysugu soo laaban doono maalinta Berrito ah haddii Eebe idmo 8:00 subaxnimo.

www.Baaadiye.com

Xafiiska Hargeysa