Published On: Wed, Dec 6th, 2017

Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Kaabista iyo Wax-ka badalka Shuruucda Baanka Dhexe (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Agaasimaha Guud Ee Baanka Somalilland Cabdullaahi Xasan Aadan Ayaa Soo xidhay Shirballaadhan Oo 3 dii Cisho Ee la soo dhaafay Baanka Dhexe iyo Hay’adaha Maaliyadda Madaxa Banaan “Baananka” Uga Socday Hotelka Maan-soor,Ka hor intii Aanu Agaasimuhu Soo xidhin Shirkaasi Waxaa madasha Shirkaasi Ka hadashay Aisha Abdallah (Legal expert), Robert Nyamu (Financial services expert) Waxaanay ka warantay Shuruucda ay tahay in loo maro qaabka ka dhanka ah adeegsiga Lacagaha la foojariga ah “Anti money Landry”

Ms Caa’isha Oo ah Gabadh  Muslim ah Kana Soo Jeedda Dalka Kenya waxay Madasha Kulankaasi ku soo bandhigtay Barnaamij Qiimo-badan isla markaana si fiican Daahga uga Rogey Barnaamijka la  yidhaado AML “Anti money Landry” kaasoo Afka Somaliga ku noqonaya ka hortagga foojariyeynta lacagta” Waxaanay Warbixinteeda Ku Barnaamijkaasi kaga eegtay dhinacyada shuruucda Caalamiga ah iyo Xeerarka Caalamiga ah ee Dawladaha Aduunka u  yaalla.

Ms Caa’isha Waxay ka qaybgalayaashii Shirkaasi Su’aalo ka waydiiyeen Shuruucda ka hortagga Maydhintaanka Lacagaha “foojariyeynta” iyo sida ay suurgo gal u tahay inay Baananka iyo Xaawaladaha Somaliland waafajiyaan shaqadooda xeerarka iyo Shuruucda ay ka sheekaysay Ee Caalamiga ah.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Mr  Robert Nyamu (Financial services expert) Oo isna ka mida Khubarada Maanta Cashirrada ka Bixinayey Shirkaasi Waxaanu Xusay lagama maar-maaninada inay Baananka Madaxa banaan iyo Xawaaladuhuba is waafajiyaan Tixgelinta Dadkooda macaamiisha ah iyagoo haddana ilaalinaya ilaa xadd inaysan lacagahaasi gacanta u galin kooxaha loo bixiyey Magacyada kadaladuwan Sida Agragixiso,Alshabaab,Alqaacida,Daacish Iyo Qaarkale.Markii la soo gaadhay Waxaa codbaahiyaha qabsaday Madaxa Xafiiska Kormeerka Baananka Somaliland Cabdiraxmaan Muuse Daakir Waxaanu Ka soo qaybagalayaashii Kulan-hawleedkaasi u sheegay “Dhamaantiin Waxaan idiinka mahadcelinayaa Sidii wacnayd ee Aad uga qaybqaadateen kuwlankeekii 3 cisho halkan inooga socday  haddana waxaynu soo gaadhnay xidhitaankii Kulankeena balse intaynaan Agaasimaha Guud Oo inoo soo xidhidoona u yeedhin waxaan ka horeysiinaynaa qaarkamida Hay’adaha Maaliyadda ee madasha fadhiya Sida Dahabshiil iyo kuwa kale” ayuu yidhi Mr Daakir.

Doodo dhaadheer iyo Falanqayn  Salka ku hayey Aqoonta la xidhiidha dhinaca Sharciyada ka soo Horjeeda Foojariyeynta Lacagaha “Anti Money Laundry Law” waxaa la soo Gaadhay qaybihii Khudbadaha xidhitaanka Shirkaasi Waxaana kamid ahaa Masuuliyiintii ka hadashay Cabdiraxmaan Obsiiye Oo ku hadlayey Magaca Adeegga Lacagaha Mobile-ka lagu qaato Ee E Dahab-ka Waxaanu mahad Ballaadhan u celiyey Baanka Dhexe iyo Wasaarada Qorshaynta.

Dhanka kalana Mr Obsiiye Waxa Uu Sheegay Inay Shirkadaha Xawaaladaha Ee Dahabshiil iyo Qaarkalaba dhibaato Wayni ka haysato Waddamada Dibadaha Ee ay ka dhex shaqeeyaan arrimo la xidhiidha dhinaca Shuruucda Waddamadaasi u yaaalla Awgeed balse waxa uu Rajo fiican ka Muujiyey Haddii la hirgeliyo Shircigan Cusub Ee 3 da cisho Loo fadhiyey haddii Baanka dhexe sidaa ku Hirgeliyo isagoo Arrimahaa ka hadlayeyna Waxaa hadalladiisii Kamid ahaa “Haddii aynu nahay Shirkadaha Amaha Hay’adaha Maaliyadda ka shaqeeya waxaad Maanta waxaa ina haysta Pressure “culays” wayn oo inaga haysta dhamaan   Waddamada Dibadaha Ee Aynu ka dhexshaqayno”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Cabdi-xakiin Oo ku hadlayey Magaca Shirkadda Dahabshiil Group Waxaanu tilmaamay inay Ka Dahabshiil ahaan soo dhaweynayaan Sharcigan Cusub Ee Baanka Dhexe dabada ka riixayo  waxaanu yidhi “Kulan Howleedkan oo ay Ujeedadiisu ahay in lagu tayeeyey Shuruucda Baanka iyo Hay’adaha Maaliyadeed runtii Waxa uu ahaa mid horey u jiray ama wax ka badall lagu samaynayey  ama hadda lasamaynayo inuu Hogaankeeda iyo Soo jeedinteedaba lahaa Baanka Dhexe aad baanu ugu mahad celinaynaa” ayuu  yidhi .

Siciid  Maxamed Jaamac Oo ku hadlayey Magaca barnaamijkan Score Project Oo qaybka ah  Mashaariicda Baanka Aduunka Ee Somaliland ay kaga Caawinayaan hormarinta Baanka iyo Shuruucdiisa Waxaanu Ka sheekeeyey Qaybaha kaladuwan Ee Mashuuracni kaasoo ay soo mariyaan Wasaaradda Qorshaynta “waxaa la ramaa oo mihiim ah inad fikirkiina ka dhiibataan waayo waxaajira dad khubaro ah oo hadda inala jooga iyo kuwo kale oo jecel inay inagala soo qaybgalaan” ayuu yidhi Siciid Maxamed Jaamac.

Siciid Waxa kale oo uu sheegay inuu Mashruucani faa’iido badan xanbaanrsan yahay isla markaana ay Baanka dhexe kala shaqeeyaan qaybtiisa la yidhaado Supervision-ka “kormeerka” “Mashruucani waxa uu leeyahay Faa’iido badan waxaanan si gaara ula shaqaynaa Baanka dhexe qaybtiisa Supervision-ka” ayuu yidhi Mr Siciid Maxamed Jaamac.

Waxaa isna halkaa ka hadlay  Mr Robert Nyamu Oo kamida saraakiisha Shirkadda Barnaamijkan fulinaysa ee Ersnt Youg Waxaanu soo dhaweeyey Shaqadan waxnaagsan ee la qabtay 3 dii cisho ee Uu socday Kulan hawleedkaasi “markahore waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo qofkasta oo halkan jooga waayo waxaan ogahay inay qaarbadan oo idinka mid ahi halkan soo fadhiyeen 3 dii maalood ee la soo dhaafay” ayuu yidhi Mr Robert.

Dhanka kalana waxa uu Xusay Mr Robert muhiimadda Uu kulankani u lahaa Hormarinta Baanka Dhexe Ee Somaliland iyo Hay’adaha kale ee Maaliyadeed-ba.waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyah Ururka Xawaaladaha Mr Muuse waxaanu Sheegay inay diyaar u yihiin inay u hogaansamayaan shuruucda Uu Baanku soo saaro Oo ay kuwani ugu horeeyaan.

Mr Muuse waxa uu maamulka Baanka u sheegay inaysan Xawaaladaha iyo Baananka madaxa banana saarin culays badan “Baanka dhexana waxaan leeyahay hays odhanina maydaan aad u shaqayn-jirn markiihore Ee hadda Cunaha Iskaga duuba hay’adaha Madaxa banana”

Gabagabadii Kulan-hawleedka Shirkaasi Waxaa soo xidhay Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Cabdullaahi Xasan Aadan waxaanu mahad balaadhanu u soo  jeediyey Hay’adaha Madaxa banana Ee ay ku martiqaadeen Kulan-hawleedkaasi isagoo faah-faahisay xeerarkii kulankaasi u fadhiyey maalmihii la soo dhaafay isagoo arrimahaa sharraxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi “Falanqaynta xeerarka kaabista iyo wax kabadalka ee ay kamidka yihiin xeerkan Xawaaladaha,Xeerka Baananka Islaamiga ah,Xeer iyo xeerarkii qabyo qoraalka ahaa  sida Xeerka Xawaaladaha,Xeerka ka hortagga maydhitaanka lacagaha “Anti Money Laoundry iyo xeerka Mobile Money Act oo aynu go’ansanay markuu mashruucani soo baxay inaan iyagana wax ka taa taabano oo aan isla eegno kaasoo ay hayd  markii ugu horeysay ee isagana la curiyo” ayuu yidhi Agaasime Cabdullaahi Xasan Aadan.

Agaamse Cabdullaahi Xasan Waxaa kale Oo Uu mahadceliyey Saarkiisha Baanka Baanka dhexe Gaar ahaan Cabduraxmaan Muuse iyo Kooxdiisa Supervision-ka oo si weyn uga soo shaqeeyey Inuu hirgalo Kulwan Howleedkaasi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Cabdurraxmaan Muuse Iyo Kooxdii kala soo shaqaysay Barnaamijkani Oo aan marnaba ka fadhiisan ilaa uu halkaa ka soo gaadhay maanta” ayuu yidhi.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa