Published On: Fri, Dec 29th, 2017

Horjoogaha Muran-Gobaleedka Galmudugg Oo Sheegay In loo Baahanyahay In Dib Loo soo Celiyey Shirkaddii Somali Airlines

Muqdisho (BMC)-Iyadoo uu soconayaan  dadaallada Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso dib u soo celinta hantidii ka maqnayd dalka,iyo dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha,Madaxweynaha   Muran Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) wuxuu ka hadlay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in dib loo soo celiyo adeegyadii duulimaadka ee Shirkadii Soomaali Arilines.

 Hadalo kooban oo uu ka jeediyay xafladii lagu daah furayay xarunta maamulka Hawadda Soomaaliya,ayuu Madaxweyne Xaaf ku baaqay in la iska kaashado sidii looga shaqeyn lahaaa dib u soo celinta Soomaali Airline oo uu ku sheegay in ay qeyb ka tahay adeegyada muhiimka ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale Maxamed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug uu u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa adeegyadii Soomaali Airline.

Tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya,waxaa meesha ka baxay adeegyadii iyo hay’adihii muhiimka u ahaa dalka,balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystaya in ay dib u soo celiso kaabayaashii dhaqalaah dalka.Xigasho Radio Muqdisho

www.Baadiye.com