Published On: Sun, Dec 31st, 2017

Ururka Waddaniga ah Ee Barwaaqo Oo Mashaariic ay ka Fuliyeen Tuulooyinka Xafar,Xagal Iyo Mawlowle Ku wareejiyey Bulshada Halkaa dagen (Sawirro)

 

Xaagal (BMC)- Ururka Maxalliga ah Ee Barwaaqo Voluntary Organization  “BVO”Ayaa Bulshada Tuulooyinka Xaraf Iyo Xagal ku wareejiyey Balli  BiyoodWayn “Big wataer Dam” ay ka qodeen Ururkaasi Deegaanka Xagal Waxaanay  Maamulka sare Ee  BVO sidookale soo kormeereen Xarun Shinida lagu Beero si ay Malabka U dhaliso Oo Ururka BVO ka hirgeliyey isla deegaanka Xaraf.

Gudoomyaha Ururkaasi Marwo Khadra Cumar Xasan,Agaasimaha BVO Aadan Cabdullaahi Cali iyo Cabdirashiid Cali Faarax Oo ah sarkaalka hogaaminayey Mashruuca Isbadalka Cimillada “Climate Change Program” Isla markaana ahaa masuulkii BVO u matalayey Fulinta Mashruucaasi Iyo Wafdi ballaadhan Oo ay Hogaaminayaan Ayaa Shalay Barqadii U baqoolay Dhinaca Deegaannada is huwan Ee Xaraf  Iyo Xagal.

Saraakiisha BVO Waxaa Socdaalka Shaqo Hawleedkaasi ku wehelinayey Saraakiil ka kalasocday Wasaaradaha Beeraha,Deegaanka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada Ee FOA kuwaasoo Isla Barqadiiba gaadhay Tuulooyinka Xaraf iyo Xagal Oo Hoosyimaadda Gobalka Maroodijeex, Waxaana  halkaa ku soo dhaweeyey Odayaasha Deegaankaasi Oo Iyagu Galinhoraba sii Dulfadhiistay Carro-tuurkasare Ee Balligaasi si ay Halka ugu soo dhaweeyaan Xubnaha Wafdigaasi.

Kahor intii Aanay Wafdigu halkaa ka soo jeedin  Khudbadahooda la xidhiidhay Wareejinta Balli Biyoodkaasi waxay soo kormeereen Baaxadda dhulka uu ku fadhiyo Balligaasi Oo dhan masaafe Wayn Oo Haddii ay biyaha Raxmaadku Galaan aanay Deegaanku si dhibyar uga Faqrin doonin Baahida Biyihiisa.

Madaxa Mashruucan Isbadalka Cimillada iyo fullintiisa Cabdirashiid Cali Faarax Oo halkaa ka soo Jeediyey Warbixinta hawlihii kaladuwanaa Ee Uu soo maray Muddadii ay qodayeen Balligaasi ayaa Xubnaha Wafdigaasi u sheegay Inaysan Hawsha BVO ka qabatay Deegaanadaasi ku ekayn Qodidda Balligaasi kaliya Balse Ay jiraan Mashaaariickale Oo muhiim u ah deegaanka Oo ay fuliyeen sida dhulbeereed farabadan Oo ay Deegaanka u qodeen iyo Siidhkii lagu tabcayey Beeraha Oo ay  u qabiyeen iyo qaarkale “maanta Waxaynu joognaa Deegaanka Xagal oo ka tirsan Gobalka Maroodijeex waxaanan dhextaaganahay Balligii aanu qodnay Oo ah Kii 3-aad annaga oo ka kalasocona Hay’ado kaladuwan Sida BVO,hay’adda Beeraha Faw iyo Wasaaradaha Beeraha iyo Deegaanka inaanu maanta bulshada Deegaanka ku wareejino Balligii Waynaa Ee aanu qodnay” ayuu yidhi Mr Cali Faarax.

Dhanka kalana Waxa uuu Sheegay Inay Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre mashruuceedii Fidinta Beeruhu qodeen Balligan 1980 balse uu si weyn u dayacmay isagoo ay dhoobadii buuxisay isla markaana aaanay biyuhu galijirin “Balligan waxaa qodday Wasaaraddii Beeraha Ee Dawladdii Maxamed Siyaad Barre Mashruucii Fidinta Beeraha Balse wuu daycmay Oo ilaa xilligaa Wax Biyo ah  lagama cabijirin” ayuu yidhi Mr Cali Faarax.

Agaasimaha BVO Aadam Cabdullaahi Cali Oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sharraxaad  kooban ka bixiyey BVO iyo Waxyaabaha ay qabtaan oo ka kooban qaybo kaladuwan isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “Ururka BVO waxyaabo badan buu qabtaa waxaana kamida Arrimaha Deegaanka oo aanu Xoogg uga shaqayno,arrimaha Bani aadamnimada iyo waxan loo yaqaano Xuquuqda aadamaha” ayuu yidhi.

Mr Aadam isagoo hadalkiissa sii watana waxa uu yidhi “waxyaabaha kale ee aanu qabano waxaa kamida xuquuqda Dumarka iyo Kobcintooda,daryeelka Caruurta  dhamaanba hawlahaasi iyo qaarkaleba waxay kamid yihiin hawlaha aanu qaano”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maamulaha Schoolka deegaankaasi Ee caruuraha wax lagu baro waxaanu Sheegay dadka deegaankaasi Ee loogu talogalay inay Balligaasi ka fa’iidaysan doonaani ay dhanyihiin ilaa 300 oo Qoys oo Beeraley iyo xoolo dhaqato isugujira “dadka deegaanka ee loogu talo galay Balligani waxay gaadhayaan ilaaa 300 oo Qoys oo beeraley iyo Xoolo dhaqato isugujira” ayuu yidhi Waxaanu codsi u jeediyey Masuuliyiinta BVO iyo Hay’adaha kaleba inay dadka deegaankaasi ka soo caawiyaan dhinaca Beeraha si ay wax soo saar fiican u helaan “dadkii magaalada ka yimid baatihiine waxaan idinka codsanaynaa inaad xoogg  nooga caawisaan xagga Tabaca iyo Wax soo saarka Beeraha” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Ururka Mashruucan Fuliyey Ee BVO Marwo Khadra Cumar Xasan Oo iyana hakkaa ka hadashay ayaa ka warbixiysa Mashaariicda BVO ka qabatay Deegaannada Xaraf,Xagal iyo Malawle waxaanay ku bilaabaysaa warbxinteeda dhinaca Shinida iyo Malabka ay dhalinayso ee ay ka hirgaliyeen Deegaanka Xafarf halkaasoo au ku taallo xarun weyn oo lagu beero Shinida isla markaana lagu tababaro dadka deegaanka si ay ugu helaan aqoon dheeraad ah dhaqashada Shinida Tabaca Beeraha intaba.

“Halkani Waa xarunta Shinida  lagu Beero isla markaana lagu tabobaro dadka Deegaanka Ee Xaraf” ayey tidhi Gudoomiyaha BVO Marwo Khadra Cumar Xasan, iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “  ururka BVO waxa uu ka shaqeeyaa Waxa la yidhaado Livelihood oo ah kobcinta Beeraha,Ilaalinta dhirta Dabiiciga ah ee loo yaqaano dhinrta qodaxleyda ah”

Mr Khadra dhanka kalana waxay ka warantay muhiimadda ay Biyuhu u leeyihiin nolosha bulshadda haddii la waayana aanay noolaan karayn sidaa darteed na ay xoogga u saareen  inay Balligan u qodaan deegaanka Xagal “Biyuhu waa waxa ugu muhiimsan  nolosha bulshadu waa biyaha waayo ilmaha yar ee Schoolka dhiganayaa hadduu waayo biyo uu cabo dee class ka dhigan karimaayo” ayey tidhi Gudoomiyaha BVO.

Sidookale waxay ku boorrisay Bulshadu inay la soo baxaan cuntada dalka isla markaana Qoysasku Guryahooda ku karisadaan Cuntada ka soo baxda dalka Gudihiisa sida Hadhuudhka,Galeyda,Digirta iyo wixii lam ida waxaanu ku sababaysay inay  ka caafimaad badanyihiin waxyaabaha dibadaha laga soo dhoofiyo sida Bariiska,Baastada iyo wixii lamida iyadoo arrimahaa ka hadlaysayna waxaa hadalladeedii kamid ahaa “waar nimanyaho Bariiskan iyo Baastadan Beerka innagaga wada dhagay intaan iska dayno aan Guryaheena ku karsano Hadhuudhka,Galeyda iyo Digirta waayo way ka caafimaad badanyihiin Bariiska iyo Baastadaba”

Maxamed Warsame Faarax Oo ka socday Hay’adda FOA oo halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey Mashaariicdan qiimaha badan ee Ay BVO ka qabteen Deegaannadaasi waxaanu xusay inay ka Hay’ad ahaan ku qanacanyihiin habka ay BVO u maamuleen fullinta mashaariicdaasi waxaanu dadka deegaanka ku boorriyey inay ilaashadaan Balligaasi iyo Mashaariicda kale ee BVO u qabatayba waxaanu yidhi “dadku waa inay maskaxda ka fikiraan oo ay ilaashadaan mashaariicdan BVO u qabatay waayo waa hanta ay leeyihiin” ayuu yidhi Mr Warsame.

Agaasime waaxeedka dhulka iyo Beeraha ee Wasaaradda Beeraha Oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay ku faraxsanyihiin mashaariicdan BVO ka fulisay deegaannada aan kor ku soo sheegnay waxaanu ballan qaaday ka wasaarad ahaan inay dhawaan bulshada tusi doonaan waxyaabo la taaban karo oo lagu diirsandoono gaar ahaan dhinaca hormarinta Beeraha iyo wax soo saarka dalaggaba.

Midkamida Odayaasha Deegaanka Xagal oo matalayey Gudoomiyaha Deegaanka Oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay aad ugu mahad naqayaan Ururka BVO sida hagar la’aanta ah ee Ay ugu shaqeeyeen bulshada Deegaanka iyadoo ay kaga duwanyihiin ururrada kale runta iyo daacadnimada waxaanu yidhi “annagu haddaanu wax qabsanayno horaanu u qabsan kari lahayn Oo Balligaasi sidaa nagumoo noqdeen ee waxba waanu qabsan kari waynay balse waxa uu ilaahay noo soo diray Ururka BVO oo Balliyadiina nooqoday Beerihiina Noo Qoday”

Isaga oo Odaygaasi hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Magacooda ayeyba ka muuqataa inay Barwaaqo yihiin “hay’adaha qaar intay nooyimaadaan haddana aan dib noogu soo noqon baajira hay’adda Barwaaqo waxaanu Ugu mahad naqaynaa way nagu soo nodeen oo waynagu soo noqdeen oo waxbay nala qabteen” ayuu yidhi Odaygaasi oo ahaa  masuulkii Deegaanka matalayey ee ururka BVO kalawareegay Balligaasi Xagal.

Ugu Dambeyntiina waxaa xafladdii Furitaanka Balligaasi lagu wareejinayey Bulshada Deegaanka Xagaleed ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Beeraha Gobalka Maroodijeex Cabdirisaaq Sh Muxumed Gaboobe Waxaanu soo dhaweeyey Hawlahan kaladuwan Ee Ururka BVO ka wadaan Deegaannadan aan xaggsase ku soo xusnay.

Sidookalana Waxa uu Isuduwuhu Bulshada Deegaanka Ee Balligaasi lagu wareejiyey kula dardaarmay inay ilaashadaan Biyaha Balligaasi Marka Uu Roobku u da’o isla markaana ay Ood ku wareejiyeen dhinacyada Balliga si ay uga ilaaliyaan Xoolaha iyo Xayawaanka kale inay soo galaan isla markaana Biyaha Balliga Fasahaadiyaan “waxa ugu muhiimsan ee aan diin sheegayaa waa inaan Balligaa ilaashataan Oo aad ku wareejisaan Geedka XIGTA la yidhaado kaasaa waligiibba joogaya e” ayuu yidhi Mr Gabboobe.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa