Published On: Wed, Jan 3rd, 2018

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Xeer Madaxweyne Ku magaabay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qaarkood

Hargeysa (BMC)-Madaxweyne Muue Biixi Cabdi Xildiid ayaa Soo saaray xeer Madaxweyne Oo Uu ku magacaabay Qaarkamida Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Qaarkod iyo Hay’ado Madax banaan sidaana Waxaa lagu Sheegay War-murtiyeed ka soo Baxay Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada Kaasi oo uu ku saxiixanyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabadi qooraalkaasi Oo Nuqulkamid ahi Soo gaadhay Xafiisla Shabakadda Baadiye isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:       

 Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:            La-tashi Ballaadhan;

 Waxaan Go’aamiyey:

 In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
2. Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
3. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
4. Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
5. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka
6. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

 Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa