Published On: Wed, Jan 3rd, 2018

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Jabouti U fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye

Hargeysa-(BMC)-Madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa Uu maanta Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiiska Dalka Jabouti U fadhiya Hargeysa Mr Xuseen Cumar Kawaaliye sidaana waxaa lagu Sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada kaasoo Nuqul kamid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Baadiye isaga oo dhamaystirsan waxa uu u dhignaa sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaliye.

 Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee deriska ah, isla-markaana loo sii xoojin lahaa.

 Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdi Kawaaliye, ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siiyey sidii uu xidhiidhka labada dal u  noqon lahaa mid midho-dhal ah, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey is-kaashiga taabbo-galka ah ee ay labada dhinac ka gaadheen dhinacyada ammaanka iyo isu socodka labada bulsho.

 Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somalilnad, ayaa kusoo beegmaya xilli uu xidhiidhka labada dal meel wanaagsan marayo, isla markaana ay bulshada labada dhinac yihiin kuwo dhaqan iyo isir wada dhalasho wadaaga wakhtigana si habsami leh isugu tallaabaan dhinaca xuduudaha labada dal.

 Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa