Published On: Thu, Jan 4th, 2018

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre Oo xilka qaadis iyo Isbadalba ku sameeyey Qaarkamida Wasaaradaha Xukuumaddiisa

Muqdisho (BMC)-Ra’iisullwasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayrre Ayaa Xilkaqaadis iyo Isbadalba ku sameeyey Qaarkamida Golihiisa Wasiirrada Waxaanu Xalay Saqdiidhexe Soo Saaray Mr Khayrre Wareegtada Uu Isku badalkaasi Ku sameeyey Waxaana Kamida Wasiirrada Xilkoodii Waayey Wasiirkii Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar Axmed Waxaana Lagu Badalay Danjire Axmed Ciise Cawadd Oo ay isku Beel ka soo jeedaan,Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxa Waxaana Lagu Badalay Cabdi Maxamed Sabriye Halka Wasiirkii Ganacasiga Marwo Khadra Axmed Ducaale Xilkii laga qaaday Waxaana lagu Badalay Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Mr Khayrre Isku shaandhayntan Uu Xalay ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada qaarkood ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Xukuumaddiisa Hadhaysay Jahawareer Siyaasadeed Oo ay La daalaa dhaxaysay Todobaadyadii la soo Dhaafay  gaar ahaan ta iyo Wixii ka dambeeyey Markii Ay soo Baxday Kooxda Siyaasiyiinta ah Ee Horay Uga soo mid ahaanjiray Xukuumadihiihore sida Kiisan Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu Xidhiidhinayo Iyo Xulafadiisa kale ee Cumar Cabdirashiid kamidka yahay.

www.Baadiye.com