Published On: Sat, Jan 6th, 2018

Machadka Barashada Nabadda Somaliya waxuu ogeysiinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Ciidamadda Qalabka Sida inuu shaqaalaysiinaayo ????

Hargeysa (BMC)-Machadka Barrashadda Amniga Soomaaliyeed “Somali Institute of Security Studies” waxuu ogeysiinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Ciidamadda Qalabka Sida inuu shaqaalaysiinaayo saraakiishii sar-sare ee wax ku soo kala bartay waddamadda Midowga Sofiyeed “USSR”, Maraykanka Iyo Yurub inay si deg deg ah u soo diraan codsi shaqo iyo taakhiir nololeedkaaga si ay ula shaqeeyaan una caawiyaan Dowladda Soomaaliya taasoo ku dadaalaysa sidii looga shaqayn lahaa xasillinta amniga qaranka Soomaaliyeed.

Machadka Barrashadda Amniga Soomaaliyeed waxaa aasaasay saraakiil sar-sare oo qaar dhintay iyo qaar nool, balse Illaahay ha u naxariisto saraakiil badan oo si dadban iyo si toos ahba ugu dhintay difaaca iyo sharafta qaranka Soomaaliyeed 1960kii ilaa iyo hadda oo uu weli socdo halganka dib u xoraynta iyo xasillinta amniga qaranka Soomaaliyeed.

Qofkii/ma sarkaalkii danaynaya inuu ku soo biiro Machadka Barrashadda Amniga Soomaaliyeed iyo hawlaha uu u qaban doono dadka, diinta iyo dalka, waxaanu ku soo dhaweynaynaa gacmo furan iyo la shaqayn wacan Insha Allaah!

Fadlan haddii aad gaartay derajadda Gaashaanle Sare/Sareeye Guuto/Saree Gaas intii ka horeysay 1985tii, waxaad si toos ah ugu soo biiri kartaa taliska sare ee la-taliyayaasha Machadka Barrashadda Amniga Soomaaliyeed.

Ku soo haggaji waraaqda cosigaaga shaqo raadinta iyo taariikh nolaleedkaaga info@sioss.org.

Waad Mahadsan Tihiin,

Dr. Badal W. Kariye

Madaxweyne,

Machadka Barrashadda Amniga Soomaaliyeed

1 Jidka Villa Somalia

The Federal Republic of Somalia

Email: info@sioss.org

http://www.sioss.org/