Published On: Tue, Jan 16th, 2018

Shir-ballaadhan Oo lagu Gorfeynayey Qodobada Xeerka Ganacsiga “Comercial Code” Oo lagu Qabtay Hotelka Maan-soor (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Shir-ballaadhan Oo lagu Gorfeynayey  qodobada Qabyo-qoraalka Xeerka Ganacsiga Ayaa lagu Qabtay Hotelka Maan-soor Ee Hargeysa,Mubaasibadd si quruxbadan loo soo abaabulay laguna lafo gurayey arrimahaasi waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,warshada iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad{Saajin} agaasimaha guud ee wasaaradda Gancsiga Cabdirashiid Axmed Guuleed,Saraakiisha qaybta Baanka Aduudnka {PIU} isla markaana Dabada ka riixaya Mashruuca Score Project-ga loo yaqaano qaybtiisa WYG,Ganacsatada qaybahooda kaladuwan iyo Garyaqaannada soo diyaariyey qodobada Xeerka Qabyo Qoraalka ah iyo dadweynekale.

Furitaankii Shirkaasi Waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Aadan Cilmi Axmed waxaanu u mahad celiyey ka soo qaybgalayaasha Shirkaasi iyo Hay’adda Baanka Aduunka u qaabilsan Mashruucaasi Ee “Publice Implementation Unit”  “Shirkani waxa uu daba socdaa shirarkeeniihore ee aynu kaga hadleynay arrimaha Xeerka Ganacsiga” ayuu yidhi Mr Cilmi.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga,Warshada iyo Dalxiiska Cabdirashiid Axmmed Guuleed Waxaanu Xusay Muhiimadda Uu dalka u leeyahay Xeerkan iyo Qodobadiisa qabyo Qoraalka ah waxaanu Sheegay inay wasaaraddiisa ka go’antahay sidii loo dhamaystiri lahaa Xeerarka la xidhiidha dhamaan Wasaaradda hawlaheeda oo qaarkoodna Baarlamaanku ansixiyeen qaarkalanana looga fadhiyo inay ansixiyaan “maalin dhaweyd waxay Baarlamaanku ansixiyeen xeerkii Sharciga Shirkaadaha “Comercial Law” haddana waxaynu maanta u fadhinaaa  inaynu ka doodno kii Ganacsiga waxaana laydiinka fadhiyaad aad uga doodaan oo aad maskaxdiina tuujisaan” ayuu yidhi Mr Guuleed.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri Xuluul Oo isaguna madasha shirkaasi ka hadlay  uu sheegay inuu shirkani muhiimaddiisa leeyahay isla markaana ay ka Rugg ahaan soo dhaweynayaan Doodda Xeerkan Qabyo Qoraalka ah  waxaanu Wasaaradda iyo PIU ku amaanay inay garteen inay Ganacsatadu qayb ka noqdaan doodaha xeerkan isla markaana ay qayb ka qaataan falanqayntiisa “Wasaaradda Ganacsiga iyo hay’adahan ka caawinaya qaybyo qoraalka qodobadan xeerkan inay garteen inay Ganacsatadu-yihiin qayb muhiim ah oo ay Wasaaradda la wadaagaan Doodda qodobada xeerkan qabyo qoraalka ah” ayuu yidhi Mr Xuluul.

qaybtii dambe ee khudbadaha masuuliyiintaasi ka dib waxaaa la gudo galay inay ka soo qaybgalayaashii shirkaasi isu qaybiyaan koox koox si ay hoos ugu dhaadhacaan nuxurka doodda qodobadan xeerkan isla markaana koox waliba si kooban aragtidooda qodobada xeerkan qabyo qoraalka ah ugu soo uruuriyaan taasoo loo arkay inay fududaynayso fahamka dhabta ah ee qodobada xeerkani “Hadda waxaa la soo gaadhay wakhtigii aan koox koox isu qaybin lahayn si aynu qodobada qabyo qoraalka ah ee xeerkan uga doodno taasoo iinoo fududaynaysa fahamka xeerkan sidii aan wax uga badali lahayn waxna ugu dari lahayn” ayuu yidhi Garyaqaan Xasan Faarax Oo ahaa Looyarkii soo diyaariyey qodobada qabyo qoraalka ah ee xeerkaasi.

Doodo dhaareer iyo falanqayn ka dib maalintii labaad waxay ka soo qaybgalayaashii shirkaasi markale isugu soo laabteen inay soo bandhigaan doodihii iyo soo uruurintii ay koox waliba gaarkeeda uga soo min-guuriyeen Buugii waynaa ee loo qaybiyey oo ka koobnaa 180 Bayj waxaana soo jeedinta nuxurkii ay kooxihii ka soo qaybgalay shirkaasi ee ganacsatada ahaa kala soo qaybgalay Wasiirka Wasaaraddaasi Maxamuud Xasan Sacad iyo Saraaakiisha PIU waaxaanay kooxihii Ganasatada ahaa ka dhageysteen aragtiyahoodii ay ka soo uruuriyeen qodobadii xeerkaasi halkaasi ay koox waliba ku soo bandhigeen nuxurkii ku soo sameeyeen wax ka badan iyo wax ku daridba sidii ay  iyaga la ahayd.

xidhitaankii shirkaasi markii la soo gaadhay waxaa halkaa khudbado kaladuwan ka soo  jeediyey masuuliyiintii kaladuwanaa ee shirkaasi dabada ka riixayey waxaana kamid ahaa Garyaqaan Xasan Faarax waxaanu sheegay inay ka suuliyihiin ahaa qaadanayaan talo soo jeedimihii ka soo baxay Ganacsatada oo ay kamid ahayd in qorobada xeerkan qoraalkiisa ugu dambeeyey lagu qoo qoro luuqadda Somaliga iyo in la waafajiyo qodobadiisa dhamaantoodba Shareecada Islaamka waxaanu yidhi “waanu qaadanaynaa talo soo jeedintiina xeerkan la xidhiidha waana mihiim in la waafajiyo Shareecada Islaamka waxaanan isku daynidoonaa inaanu ka marka  ugu dambeysa doodiisa ka soo qaybgalino Culimada dalka iyo inaanu ku soo qorno nuqulka ugu dambeeya luuqadda Afka Somaliga” ayuu yidhi Garyaqaan Xasan.

Agaasimaha Waaxda Ganacsisag Mr Aadan Cilmi Axmed ayaa isaguna si kooban u tilmaamay inuu kulankani ahaa mid guuleystay isagoo wasiirka u sheegay inay dad badani ka soo qaybgaleen shirkaasi waxaanu yidhi “waa markii ugu  horeysay ee aynu sidan oo kale ka soo wada qaybgllo xeerkan oo kale oo aynu tixgelin wayn siino doodihiisa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yidhi Mr Cilmi.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Cabdirashiid Axmed Guuleed oo halkaa ka hadlay waxa uu isaguna sheegay  inay ka soo qaybgalayaashii Ganacsatada ahaa hawl ballaadhan qabteen muddadii uu shirkaasi socday waxaana hadalladiisii kamid ahaa “runtii  muddadii aynu halkan joognay 3 dii cisho ee la soo dhaafay hawl-wayn baynu qaban innaga gudaha u gallay hawshii xeerkan laynookeenay ee qabyo qoraalka ah qodobadiisa wixii aynu ku  ka badali lahayn iyo wixii aynu ku dari-lahaynba”

Mr Guuleed waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasiirka Maxamuud Xasan Sacad waxaanu Wasiirku sheegay in xeerkan aad loogu baahi qabay waxaanu ku sababeeyey inay aduunyadu ku kala socoto xeerarka iyo sharciyada ay dhigtaanh haddii aanu sharci jirina ay bulshadu markaa lamid noqonayso uun sida xoolaha oo kale isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Mudanayaal iyo Marwooyin waad ku mahadantihiin hawshan aad ka soo qaybgasheen iyo waxa aad ka soo qabateen banidaadamkuna waxa uu ku kala baxaa Sharciga haddii aanu sharigaasi jirina dadku waxay noqonayaan sida xoolaha oo kale”

Wasiir Saajin waxa uu sheegay maadaama ay Somaliland 26 sano Gooni u taagnayd inaysan  maanta ka doodnin xeerkii ganacsiga balse ay ku haboonayd inay marhoraba samaysato “Muddadii aynu xorriyadeena la soo noqonay waxaa laga joogaa 26 sano markaa marhorey ahyad inaynu samaysano xeerarka Ganacsiga iyo shuruucdeenaba” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaraddaasi  Maxamuud Xasan Sacad “Saajin”

www.Baadiye.com

Xafiiska Hareysa