Published On: Sat, Feb 10th, 2018

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Cadi Maayeere Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga

Muqdisho (BMC)-Wareegto kasoo baxday Xafiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wasiir Maareeye ayaa Agaasimaaasha uu xilka ka qaaday gaar ahaan Agaasimihii guud ee Wasaarada ku eedeeyay maamul xumo iyo wax is daba marin, waxa uuna ku amray Agaasimaha xilka laga qaaday in uu si deg deg ah xilka u wareejiyo.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa si KMG ah agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga loogu magacaabay  C/kariin Maxamuud Axmed oo horay u ahaa xilka Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo xiriirka dowlad goboleedyad.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista

Xigahso:Allbanaadir

www.Baadiye.com