Published On: Mon, Apr 9th, 2018

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Oo lagu wado Inuu Maalinta Arbacada Soo socota ku dhawaaqidoono Inuu Is-casilo

Muqdisho (BMC)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo iscasilaaddiisa ka dib markii ay todobaadyadii la soo dhaafay coolaad xun iyo dagaal siyaasadeed isla galeen mudanayaasha Baarlamaanka uu Gudoomiyaha u ahaa,wararka la xidhiidha is-casilaadda Professor Jawaaari waxay ahaayeen kuwo warbaahinta kaladuwan ee Somalida ku wareegeysanayey ilaa iyo shalay balse Shabakadda Baadiye oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Suxufi ka tirsan Wakaaladaha caalamiga ah ee ka hawlgala Muqdisho ayaa u xaqiijiyey jiritaanka warkaasi.

“Haa wuu jiraa warkaasi laakiin wali xafiiskii kamuu tagin waxaanu si rasmiga ugu dhawaaqidoonaa is casilaaddiisa maalinta Arbacda ah ee soo socota “11/4/2018” ayuu yidhi Suxufigaasi,Professor Jawaari ayey la soo darseen jahawareer iyo xag-xagasho isdabajoog ahaa oo kaga imanayey Gudaha Baarlamaanka Somaliya hasayeeshee waxa uu isagu mushkiladda kursiga uuka tuurtay eedeeda dusha ka saaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaarihiisa Xasan Cali  Khayrre.

Professor Jawaari  Oo Golaha Shacabka soo hogaaminayey 4 tii sano ee Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha soo ahaa ayaa markale ku guulestay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka hoose ka dib markii la doortay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaaahi Farmaajo.

dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda murugsan ee Somaliya ayaa tilmaamaya is casilaadda uu Gudoomiye Jawaar ku dhawaaqidoono Arbacada inuu yaqiinsaday inuusan kurigsa sidan ku sii fadhinkarayn maadaama ay sida uu rumasan yahay xukuumaddu dabada ka soo riixayso mowshinka lagu ridayo waxaanu hoosta ka xariiqay inuu kooramkii mudanayaasha ka soo horjeedaa buuxsamay sidaa awgeedna uu yidhaado “anigaa  kurigsa iska casilay ee layma ridin” ka hor intaanay qasab kaga qaadin meesha cidday doontaba ha ahaatee cidda ridaysa.

Gudoomiye Jawaari oo wali ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya ayaan wali la hubin sida uu kaga tagidoono kursigan uu mudada dheer caanihiisa soo jaqayey iyo cidda badalidoonta haddiiba uu sidaa kaga dhabeeyo inuu Arbacada soo socota xilka iskagatago.