Published On: Thu, Apr 12th, 2018

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyihiihore ee Golaha Shacabka ee la riday Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Oo is-cafiyey isuna dhoolo cadeeyey

Muqdisho (BMC)-Ra’iisulwasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayrre iyo Gudoomiyihiihore ee Golaha Shacabka Somaliya ayaa la daawaday iyagoo isla qoslaya islamarkaana wada dhoollo-cadaynaya iyagoo Gacmaha ishaysta,Sawirkaasi laga soo qaaday labada nin ee horey isugu aakhiro seegay ayaa  hadda laga dheehankaraa jawi ka gedisan kiihore oo ay labada masuul si weyn ugu kala fogaadeen muddadii bisha ahayd ee uu soconayey khillaafkii fooshaxumaa ee aakhirkii dhaliyey in laga awood roonaaday Professor Jawaar.

Khayrre iyo Jawaari waxaa dhexmaray dagaal siyaasadeed oo aanu  midkoodna kankale waxba ula hadhin,Gudoomiyihiiore ee Golaha ayaa eed culus dasha ka saaray Mr Khayrre inuu ahaa isagu maskaxdii ka dambeysay Gulfkii Mowshinka ahaa ee lagu qaaday Duqa taasoo ay bulshada ka faaloota arrimaha Somaliya u arkayeen inay odayga runtii ahayd oo laga qaniinay xagga Khayrre maadaama ay wasiirro kamida ah Xukuumaddiisu wax ka saxiixeen Mowshinkii odayga galaaftay.

si kastaba ha haatee Mr Khayrre ayaa isticmaalay xeelad siyaasadd qabaw oo ku dhisan qosal khiyaamaysan waxaanu shalay ugu tagay gurigiisa uu Muqdisho ka daganyahay professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomihihiihore ee Golaha Shacabka si aysan wajiyadoodu ugu kala tagin dagaalkii dhexmaray isuna cafiyaan ileen tani waa aduunyoo waa laga tagiye.

Professor Jawaari ayaa isaguna dhiniciisa soo dhaweeyey booqashadan oo Ra’iisulwasaare Khayrre ugu tagay Gurigiisa waxaanu muujiyey dareen ka duwan kii maalmihii la soo dhaafay warbaahinta dhex wareegayey “qosal ilaa Gaws-dambeedka ah ayuu Odaygu ku dhuftay” waxaanay labada masuulba muujiyeen dareen farxaheed oo ah kaliya afka balse hoosta ka ah dhnaca Jawaari  “Libaax Nin Galladay iyo nin Gawracayba wuu yaqaanaa”

www.Baadiye.com