Published On: Thu, Apr 12th, 2018

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Cabdi Cali Oo Iscasilay sababeeyeyna wixii ku fallifay inuu Shaqada ka tago

Hargeysa (BMC)- Agaasimihii wasaarada Qorsheynta qaranka Somaliland Cabdi Calo Ayaa xilkii uu wasaaraddaasi ka hayey iskaga tagay waxaanu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay shabakadda FACEBOOK ,Mr Cali sida uu qoraalkiisa ku sheegay waxa uu shaqadiisii uga tagay kalmado ay is waydaarsadeen isaga yo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay Telefoonka ku wada hadleen, haddaba qoraalka Agaasimuhu soo dhigay meeshiisa Facebook  isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan.

 

 Faahfaahin Kooban: Iscasilaad.

Horta qofna Telefon kama qaban, Face-book messages-kana uma jawaabin cidna, suaasha ugu badanina waxay ahayd sababta aan isu casiley.

Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:

Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay(not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.

Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.

Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su’aasha jawaabta u baahani waxa weeye saddexdayada keebaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!!

Raali ahaada haddii sidii Trump aan Twitterka warka idiin soo mariyo!!!

Agaasimihii Guud ee wasaaradda qorshaynta ee xallay is-casilay

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa