Published On: Thu, Apr 12th, 2018

Dawladda Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Isu Aroostay 29 Wiil Oo ka soo Jeeda Beelaha Ajiga Iyo 29 Gadhood Oo ka soo Jeeda Beelaha Gabooyaha

Jigjiga (BMC)-Dawladda Deegaanka Somalida Dalka Ethiopia ee Kilil-ka 5-aad ayaa isu Aroostay 29 Qoys oo dhalinyaro ah hal habeen oo kaliya sidii Guur wadareed ahaan kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Ajiga iyo Kuwa Gabooyaha.

29 Wiil oo kamida dhalinyarada Deegaankaasi kana soo jeeda Beelaha Ajiga ayaa loo dhisay 29 Gabdhood Oo ka soo jeeda Beelaha Gabooyaha,arrintani waa mid ku cusub dhaqanka Somalida inay sidan oo kale hal habeen oo kaliya 29 Wiil Oo Aji ahi Aroosaan 29 Gabdhood Oo Gabooye ah.

Dawladda Deegaanka Somalida Ethiopia ayaa ka soo shaqaysay Barnaamijkaasi isla markaana ku bixisay juhdi iyo wacyigelin farabadan inay arrintaasi sidaa u dhacdo iyadoo Ilaahay qaddaray haddana waxay ku timid dadaalka Xukuumadda Madaxweynaha deegaankaasi Mr Iley taasi oo ugu dambeyn guul ku soo dhamaatay inay Xalay Xaflad ballaadhan Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ugu qabteen Arooska 29-ka Qoys ee Islaamka ah.

Xafladdaasi Oo ahayd mid si gaara xiisaheeda u lahayd waxaa ka soo qaybgalay Dadweyne Farabadan gaar ahaan bulshada magaalada Jigjiga ee Aroos wadareedkaasi ka dhacay waxaana la daawanayey Wiilasha iyo Hablaha laysu Aroosay oo raxan-raxan isu garab-fadhiya madashii ay xafladdaasi ka dhacaysay.

inay xaflad guur wadareed ahi ka dhacdo dhulka Somalida maaha mid ku cusub balse waxa cusub ee waliba xiisaha lihi waxa weeye inay tahay taariikhda Somalida markii ugu horeysay ee ay sidan Oo kale Beelaha Ajiga iyo Gabooyuhu goob kaliya isugu Aroostaan tiro sidan oo kale ah.

Qoysaskan laga ducaystay in laysu guuriyey waxaa u dheer in qoskiiba la siiyey isla markaana loo diyaariyey Gurigii ay dagilahaayeen kuna noolaan lahaayeen oo hanti ah iyo dhaqaale gaadhaya 1 Milyan oo lacagta Ethiopia ah ee Birta loo yaqaano “maa shaa Allaah waxbaa ka dhacay”

www.Baadiye.com