Published On: Mon, Mar 13th, 2017

Nin la sheegayo inuu Madaxa ka xanuunsanayey oo saaka waaberigoohore xaaskiisii oo 7 caruura u dhashay ku Gawracah Degmada Guriceel ee Gobalka Galguduudd

Guriceel (BMC)-Dadka degmada Guriceel ee Gobalka Galguduud ayaa saakadiihore ku soo toosay arrin aad u foolxumo badan oo ka yaabisay dadkii halkaa daganayaa kadib markii laga warhelay maydka islaan 7 caruura dhashay oo ninkeedii birta ka aslay oo dhextaalla gurigeedii uu ku dhex bireeyey ninkaasi oo sida la sheegayo aanu caafimaadkiisa maskaxeed taam ahayn ayaa geystay fallkaasi foosha xun oo waliba uu kula kacay Oordiisii oo 7 caruura u dhashay.

dadka deegaanka ayey arrintani ku noqotay mid ka fajicisay maadaama aanay dhacdadan oo kale hrey u soo marin dhacada noocan oo kale ahi,warku waxa uu intaa ku darayaa inuu ninkaasi hadda gacanta ugu jiro ciidamada maamulka Suufiyada Ehlu-sunna waljamaaca oo iyagu deegaankaasi maamula.

dadka sida ninkan oo kale aanu xiskoodu dhamayn ee ku nool magaalooyinka dalka Somaliya ayaa dhibaato badan ku haya ehellladooda iyo xaasaskoodaba waxaana loo aanaynayaa waallida faraha badan ee ku soo kordhaysa dhulka Somalidu dagaan gaar ahaan magaalooyinkii ay dagaalladu sidaweyn u saameeyeen oo dadkii ku noolaa lagu arkayo waalli farabadan oo ragga iyo dumarkaba leh gaar ahaanna ay raggu u sii badanyihiin.

www.Baadiye.com