Published On: Mon, Mar 13th, 2017

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhextaagan Dawladaha Turkiga iyo Holland oo cirka isku sii shareeray iyo qaarkamida waddamada reer Yurub oo turkiga u hanjabay

Rotterdam (BMC)-Khilaaka siyaasiga ah ee u dhexeeya Dawladaha Turkiga iyo Hollanad ayaa gaadhay meeshii ugu xumayd  intay jireen Dawladahaasi,waxaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta si weyn u hadheeyey xafiiltanka siyaasiga ah ee ka dhexdillaacay waddamadaasi ka dib markii ay Dawladda Turkigu damacday inay dadkeeda dibadaha ku nool taageero uga raadiso sidii waxkabadall loogu samayn lahaa qodobada dastuurka dalkaasi u yaalla si ay Madaxweyne Rajab Dayib Erdugan ugu suurto gasho inuu kurisga dalkaasi ku sii fadhiyo ilaa laga gaadhayo sanadka 2029.

waxa uu khilaafka labadaasi dal ka dhashay baa la leeyahay markii laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Erdugan isku dayeen  inay Jaaliyadda dalkaasi Holland ku dhaqan ee Turkiga ah kala soo qaybgalaan damaanshaadyada xafladaha lagu soo dhaweynayey waxka badalka dastuurka qodobada dalkaasi waxaanay Dawladda Duch ku iska hortaagtay diyaaraddii siday labadaasi wasiir inay soo cagadhigato dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee dalkaasi gaar ahaan Gobalka ay xafladahaasi ka dhacayeen waxaanay Dawladda Holland ku sababaysay diidmadaasi inay ka soo horjeeddo wax ka badalka lagu samaynayo dastuurka dalkaasi taasoo ay xukuumadda Turkuguna u aragtay inay tahay faragalin qaawan oo lagula kacayo maamulka dalkeeda iyo madaxbanaanideedaba.

dhanka kale Dawladda Jarmalka oo ay indhawalaba hooska tuur lahaayeen dalkaasi Turkiga ayaa iyana ka soo horjeedsatay waxka badalka xagga sharciga ee lagu samaynayo dalkaasi Turkiga waxaanay arrintaasi sidookale keentay inuu Mr Erdugan ku eedeeyo haweenayda dalkaasi ka talisa Ms Anchela Merchel inay faraha kulajirto arrimaha dalkaasi Turkigaa.

Madaxweynaha dalkaasi Turkiga oo ay arrintaasi aad uga cadhaysiisay ayaa furka ku tuuray dalalkaasi Holland iyo iyo Jarmalka waxaanu ku tilmaamay ficilladan ay dalkiisa kula dhaqmayaani inay la  mitahay tii xilligii Naaziyiinta iyo faashistigiihore waxaana arrintaa aad u ga cadhooday guud ahaan waddamada reer Yurub ku midaysan waxaanay keentay inay si faquuq ah dhinac uga wada mareen dalkaasi Turkiga.

Ra’iisul wasaaradaha dalkaasi Holland Mr Marke Tutte oo maanta warfidiyeenka kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inay wax laga xumaadu tahay inuu Mr Erdugan ku tilmaamo dalkiisa Naaziyiintii iyo Faashiistigiihore oo kale, waxaa sidookale isaguna dib u dhigay booqashadiisii horey u qorshaysnayd inuu la kulmo Madaxweynaha dalkaasi Turkiga Erdugan Ra’iisulwasaaraha dalkaasi Denmark.

xaaladda sii cakirmaysa maalinba maalinta ka dambeysa ee u dhexaysa waddamada Turkiga iyo Yurub ayaa sii xoogeysanaya iyadoo aysan jirin saan saan nabadeed oo ilaa hadda ka soo muuqanaysa erayada siyaasadeed ee ay labada dhinac is dhaafsanayaan,dalka Turkiga ayaa ka tirsan waddamada reer Yurub walow aanu si buuxda uga mid niqonin waddamadaasi haddana intii badnayd wuu buuxiyey shuruudahii kamid noqoshada xulafada reer Yurub waxaanu dalka Turkigu ku eedaynayaa inta ka dhiman inuu ka mid noqdo reer Yurub inay ka hortaagan tahay xukuumada Jarmalka oo horboodaysa hogaanka dalalkaasi reer Yurub.

waddamada Holland iyo Jarmarlka ayay ka soo yeedhaysaan erayo hanjabaad ah oo ka dhan ah dalkaasi Turkiga iyaga oo ku sababaynaya inuu waxka badalka dastuurka dalkaasi Turkigu xadgudub ku yahay dimoqraadiyadda isla  markaana isaga siinaya awoodo dheeraad ah taasoo ay mucaaradka dalkaasi Turkigu ka cabanayaan.

waxaan wali la saadaalin karin ilaa hadda meesha ay ku biyo shuban doonto xaaladddan siyaasadeed ee u dhaxaysa waddamada aan xaggasare ku soo sheegnay waxaanay shaashadaha warbaahinta caalamiga ahi soo tebinayaan kumanaan u dhashay dalkaasi Turkiga oo lulaya calanka casaanka ah ee xidigta dhexda ku leh ee dalkooda iyagoo ku banaanbaxaya dariiqyada dalkaasi Hollanad kana soo horjeeda faragalinta lagu hayo dalkooda.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa