Published On: Mon, Mar 13th, 2017

Madaxweynihiihore ee dalka Masar Maxame Xusni Mubaarak oo maanta si rasmiya jeelka looga sii daayey kadib 5 sano oo uu jeelka ku jiray

Qaahira (BMC)-Madaxweynihiihore ee dalkaasi Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa si rasmiya maanta jeelka uga baxay waxaanay caawa u noqonaysaa habeen ka duwan habeennadii uu jeelka ku dhex qaxwaynayey 5 tii sano  ee la soo dhaafay xiligaasoo jeelka loo taxaabay markii uu dalkaasi ka curtay kacdoonkii lagu riday maamulkiisii qallafasanaa ee uu ku xukumayey dalkaasi muddadii dheerayd ee uu dalka ka soo talinayey.

Mr Mubaarak ayaa muddadii uu jeelka ku jiray soo maray maxkamado kaladuwan iyo xukunno kaladuwanaa iyadoo ay xukunnadaa kamid ahaayeen in la dilo kadib markii ay ku cadaatay inuu amray dilka boqolaal reer Masar ah oo ay ciidamadii milatariga ee naxariista darraa cagta mariyeen xilligii uu socday kacdoonkii dadweynaha ee ay hogaaminayeen kooxda taladu ka xumaatay ee Ikhwaanul-muslimiinka.

ninkan jeelka laga sii daayey oo ah nin weyn oo cimri dheer soo jiray ayaanay xaaladiisa caafimaad wanaagsanayn waxaana isu raaxay xanuuno uu horey u qabay iyo murugadii jeelka ka soo raacday intuu xidhnaa,sidookale waxay maxkaddu sii daysay laba wiil oo uu dhalay oo iyana jeelka loo taxaabay iyagoo lagu eedeeyey inay qayb ka ahaayeen awoodii iyo awaamirtii uu aabahood bixinayey ee dadkaasi lagu laynayey.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa