Published On: Mon, Mar 13th, 2017

Mudaaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeeday Cali Khaliif Galaydh oo xalay dhuusmashu ku galay Buuhoodle oo ay dadku dhaawacmeen

Buuhoodle (BMC)-Laba qof ayaa ku dhaawacantay inta la xaqiijiyey iska hormaad ka dhashay mudaaharaad lagaga soo horjeeday imaanshaha Cali Khaliif Galaydh oo sida la sheegayo xalay goor habeenimo ah ku galay magaalada Buuhoodle gaadhiweyn oo Booyad ah kadib markii ay ka warheleen dadka isaga diidani inuu ku soo foolleeyahay  magaalada Buuhoodle isaguna inta uu xeeladaystay shidhka hore u soo galay Gaadhi Booyad ah oo biyaha dhaamisa si aanay u garan maleeshiyo beeleedyada hubaysan ee dariiqa u taagnaa inay xanibaan.

Hoteka Cabdi Gurey ee uu ku soo dagay ayey dad farabadani ku soo xoomeen iyagoo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah sumcadiisa gaar ahaan waxaanay ku eedeeyeen inuu Somaliland la galay heshiis aanay dadka odayaasha iyo waxgaradka ah ee reer Buuhoodle waxba kala socon waxaana kamid ahaa erayadaasi “Buuhoodle iib maaha” iyo qaarkale.

daweynahan farahabadan ee ku mudaaharaadayey Mr Galaydh ayaa waddooyinka ku jiray Taayirro ay gubayeen oo kala xidhay isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee u kala gooshayey xaafadaha magaalada Buuhoodle,nin kamida siyaasiyiinta Beesha Laascaano oo Baadiye wax ka waydiiyey goor dhawayd sida ay xaaladdu hadda tahay iyo khasaarihii ka dhashay mudaaharaadkaasi ayaa yidhi “ilaa hadda 2 qofbaa ku dhaawacmay banaanbixii maanta lagu diidanaa Cali Khaliif Galaydh xaaladduna way xuntahay”

dhanka kalana masuulkaasi waxa uu intaa sii raaciyey “wallaahi aniga waxay ila tahay inuu Buuhoodle iskaga baxo waayo maba joogikaro hadday xaaladdu sidaa noqotay waxaana u fiican inuu meelihiisii uu ka yimid iskaga noqodo” isaga oo wali hadalkisa sii wata waxa uu yidhi “dadka reer Buuhoodle waxay tirsanayaan inaan wali la xallinin dadkii barigii sidi wadarta ahayd loo weeraray ee laga laayey”

si kastaba ha ahaatee xaaladda magaalada Muuhoodle ayaa wali cakiran iyadoo ay maleeshiyaadka kala taageersan Cali Khaliif Galaydh iyo kuwa diidan labaduba hubka la dhexmarayaan magaalada,waxaanay xaaladdani ku soo beegmaysaa iyadoo ay dadka deegaankaasi la daalaa dhacayaan Abaaro iyo harraad ay xoolihii u dhimanayaan dadkiin aad u itaaldaran yihiin.

www.Baadiye.com