Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Degdegg:Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo loo diiday inuu shir ku qabsado Hotelka Maan-soor ee Hargeysa “waxaa nalagu yidhi xukuumadda xalay waraaqo keentay Hotelka oo tidhi kuma shiri karaan Waddani” Cabdillaahi Daamur”

Hargeysa (BMC)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa loo diiday inay shir ku qabsadaan Hotelka Maan-soor ee Hargeysa halkaasoo ay masuuliyiinta xisbigu kula hadli lahaayeen taageerayaashooda Hargeysa,hasayeeshee markii ay subabxnimadiihoreaba taageerayaasha xisbigaasi iyo qaabadan oo kamida masuuliyiinta Golaha dhexe iyo guddiga fulintuba ka soo xaadireen hoolka uu shirkaasi ka dhici lahaa ayey Askari iska istaagtay inay gudaha u galaan goobtii shirku ka dhicilahaa.

Askartu waxay xisbiga u sheegeen inay amar ku qabaan inaanu xisbigu ku shiri-karin halkaa saaka sidaa darteed arrintaasi waxay si weyn u cadho galisay masuuliyiinta iyo taageerayaashii halkaa laga celiyey waxaanay shirjaraa’id ku qabteen xubno ka tirsan xisbigaasi barxaddahore ee goobtii loodiiday inay galaan ee shikoodu ku qabsoomi lahaa,shirkaasi jaraa’id oo aanu Baadiye goobjoog ka ahayn nuxurkiisu waxa uu ahaa cabasho iyo inay xaq u lahaayeen inay halkaa ku shiraan xukuumadduna ay kaga khaldantahay inay u diido shikroodaasi inuu halkaa ka dhaco sidii ay horayba ugu shirijireen.

markii uu shirkaasi jaraa’id dhamaaday oo ay dadka badankiisu banaanka tubanyihiin ayaa looga yeedhay xarunta xisbigooda inay dib ugu soo laabtaan si ay halkaa ugu yeeshaan kulan dhicis ah oo ay kaga wada tashanayaan arrintan ku dhacday iyo wixii ay kaga fal celin lahaayeen “soo baxa soo baxa dibaa loo noqonayaaye xaruntii xisbigaa laynooga yeedhayaaye” oo yaa inoo yeedhay Xoghayihii xisbigaa inoo yeedhaye soo baxay” iyo erayo kale ayaa kamid ahaa erayadii tawaawaca ahaa ee ay reer Waddani isla dhex marayeen “waxaa nalagu yidhi xukuumaddaa xalay Hotelka waraaqo keentay oo tidhi Waddani kuma shirikaraan Hotelka Maan-soor” sidaa waxaa Baadiye u sheegay Cabdullaahi Axmed “Daamur” aanu kula kulanay barxaddahore ee dibadda hoolkii shirkaasi lagu qaban lahaa isaga oo gaadhigiisa sii itdhaadhaya oo baxayay xilligaa.

Somaliland kuma cusba in xisbi mucaarada loodiido inay shirarkooda ku qabsadaan Hotelllada waaweyn ee Hargeysa gaar ahaan markay xiligan oo kale tahay ee ay doorashadu soo dhawaato,xisbigan talada haya ee Kulmiye ayaa ugu badnaa in loo diido inay ku shirkaan Hoteellada waaweyn oo xisbigii ay ka guuleysteen ilaahay cagaha dhulka uga qaaday ee Udub oo dulmi iyo karaahiyo ka samaysnaa ayaa tiraba dhawrjeer sidan oo kale ka hor istaagay Kulmiye inay xafladahooda ku qabsadaan Maan-soor-kan saaka loodiiday Waddani,Crown iyo Ambassador intaba.

“haddaynu innagu ¬†kululaan aynay dee waa layna kululaynayaaye inna celiya” sidaa waxaa ku hadaaqayey nin kamid ahaa waddnigii cadhaysnaa ee shirkaasi ka dhicisoobay “soo baxa dee maxaad hoolka iyo kuraasta madhan ka sii eegaysaan saw laydiinma diidin” sidaa waxaa isna ku canaantay koox taageerayaasha xisbiga ah oo indhaha la sii raacayey madashii sida quruxda badan loo gogley ee kuraasta quruxda badan lagu camiray iyo boodhkii liimoonka ahaa ee Xisiga oo xaggasare ee hoolka shirkaasi ka dhici lahaa si quruxbadan loogu xidhay.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa