Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Qaybo kamida shacabka Muqdisho oo maanta isugu soo baxay salaadda Roob-doonta iyo Ra’iisulwasaare Khayrre oo ka duceeyey

Muqdisho (BMC)-Boqolaal qof oo ka tirsan shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan caasimadda rafaadsan ee Muqdisho ayaa saakadiihore isugu soo baxay tukashada salaadda Roob-doonta ah ee ilaaahay baryeyo inuu ka jabiyo Abaaraha halakeeyey dadkii iyo duunyadiiba,dadku waxay muujiyeen daciifnimada banid aadamku leeyahay.Barxaddaweyn ee masaajidka caanka ah ee Isbahaysiga ayaa la arkayey boqolaal dadweynaha xaafadaha Muqdisho oo isugu soo baxay halkaa isla markaana banaanka cadceedda ah dabada dhigay iyagoo ilaahooda baryaya inuu u soo naxariisto,culimada,dhalinyarada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada  oo halkaa saacdo u fadhiyey baryada ilaahay ayaa isu sheegay inay masiibadan roob-la’aanta ahi ka dhalatay dambiyada ay ilaahay ka galeen sida dilka,dhaca,boobka iyo caddaaladda darrada kale ee Somaliya oo dhan ka taagan.

qaarkamida Culimada diinta halkaa kala hadlay dadka ka hor intii aanay salaadda u kicin ayaa ka dhawaajiyey muhiimadda ay leedahay inay dadku ilaahay u toobad keenaan maka ay masiibooyinka abaaruhu kamidka yihiini sidan oo kale u daba dheeraadaan.

ducada iyo wacdigii ay culimadu halkaa ka soo jeediyeen kadib waxaa halkaa dadweynihii isugu soo ururay kala hadlay Ra’iisulwasaaraha dhawaan xilka loo magacaabay Xasan Cali Khayrre waxaanu ha hadlay arrimahan Abaaruhu inaanay ahayn wax ku yimid bilaash balse ay yihiin dambigii umaddan ka dhacay oo sababay dhibaatada Roob la’aanta barrinsatay Geyiga Somaliyeed.

Mr Khayrre waxa uu halkaa ka soo jeediyey erayo cataab iyo tawaawac isugu jiray waxaanu inyar ula jirsaday inuu noqdo sheekh siduu ducada u daldalayey waxaanu shacabka ku boorriyey  inay ilaahay wada toobad keenaan isl amarkaana is wadacafiyaan si buuyidhi ilaahay naxariistiisa ugu soo celiyo dadkan Abaaraha iyo colaaddu kala goosteen.NB:Sawirrada waxaanu ka soo xigannay Jowhar.com

www.Baadiye.com