Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Golaha Deegaanka Boorama dib u habayn iyo qashin gurba kawada xaafadaha ku dhaw Garoonka Kubadda cagta ee Boorama (Sawirro)

Boorama (BMC)-Maayarka Magaalada Boorama Mr Maxamed Xuseen Maydhane iyo koox ka tirsan Mudanayaasha Golaha deegaanka ayaa ku waaberiistay dhinaca bariga ee xaafadda Hotelka Rays kana soo horjeedda Garoonka lagu ciyaaro Kubadda ee magaalada Boorama si ay halkaa uga nadiifiyaan goobo qashinka lagu soo daadinjiray oo muuqaal xumo weyn ku hayey Hotelka aga gaarkiisa iyo inta u dhaxaysa Garoonka Kubadda.

Maayarka Mr Maydhane oo hogaaminaya mudanayaasha Golaha deegaanka iyo shirkadda qandaraaska ku qaadatay guridda qashinskaasi iyo dib u dhiska iyo qurxinta goobtaasi ayaa la soo galay cagaf-cagafyada waaweyn ee xoogga ku baneeya meelaha la nadiifinayo ama qashinka laga qaadayo iyo dad muruq maal ah oo dhulka qodayey si ay u baneeyaan meel ay biyuhu maraan marka uu roobku yimaado waxaana halkaa ka hahdlay saraakiisha shirkadda Gobsame ee dhulkaasi xaadhaysa iyo maayarka Boorama waxaanay sheegeen inay farxad iyo wax qabad weynba u tahay bulshada deegmada Boorama.

Maayarka Boorama Mr Maydhane ¬†oo arrimahaa ka hadlayena waxaa hadalladiisii kamid ahaa “ilaahaybaa mahadle ina siiyey garashada iyo caqliga wanagaasan waxaanan salaamayaa Xildhibaanada deegaanka Boorama iyo warbaahinta qaybaheeda kaladuwan” Mr Maydhane oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “runtii farxadweyn bay ka duq ahaan ii tahay inaanu gudanayno midkamida waajibaadyadii naga saarraa fulinta waxyaabihii naloo doortay” Mr Mr Maydhane waxa uu sheegay maadaama Garoonkii Kubadda la dhigay Rooggii cagaarka ahaa inuu u baahanyahay in laga ilaaliyo Garookaasi inay biyuhu soo galaan waxaanu yidhi “maadaama Garoonka la dhigay Rooggii cagaarka ahaa waxaanu garanay halkii ay soo marayeen biyaha qashinka ah ee laga soo daadiyo magaalada inaanu ka ilaalinyo Garoonka oo aanu u samayno meel ay miyahaasi maraan”

Maayar Maydhane waxa uu sheegay inaanu Garoonka Boorama ee Kubaddu u baahnayn kaliya in biyaha laga leexiyo balse sidookale u baahan yahay in Marmar la dhigo sidaa darteedna ay bulshadu kala shaqeeyaan Golaha deegaanka ee uu hogaaminayo inay taageero u muujiyaan hawlaha ay qabanayaan isla markaana iska bixiyaan canshuurta Dawladdahoose si ay wax ugu qabtaan bulshada “annaga waxaanu idinka idinka qaadno ayuunbaanu galinaynaa waxa aanu qabanayo” ayuu yidhi Mr Maydhane.

www.Baadiye.com

Boorama