Published On: Sat, Mar 25th, 2017

Boggii ay Idaacadda BBC-da, qaybteeda Afka Soomaaligu ku lahayd Facebook-ga ayaa gabi ahaanba xidhay qaybta qiimaynta ay ku sameeyaan dadweynahu.

Hargeysa (BMC)-Boggii ay Idaacadda BBC da qaybteeda ku hadashay afka Somaligu ku lahayd shabakadda Facebook ayaa la sheegayaa in la xidhay sida lagu baahiyey qoraal naga soo gaadhay xafiiska warbaahinta Madaxtooyada Somaliland qorlaakaasi oo dhamaystiranna waxa uu u  dhignaa sidan.

Bogga Idaacadda BBC-du, qaybteeda Afka Soomaaligu ku leedahay Facebook-ga ayaa gabi ahaanba xidhay qaybta qiimaynta ay ku sameeyaan dadweynahu.rrintan ayaan ka danbaysay ka dib markii maalmahii ugu danbeeyay cabashooyin badan laga gudbiyay oo la xidhiidha su’aalo laga muujinayo dhexdhexaadnimadooda iyo waliba aqoontooda afka Soomaaliga oo la dhaliilay, kuwaas oo keenay inuu hoos u dhac joogto ahi ku yimaado qiimaynta guud ee bogga. Tiradda guud ee k u xidhan bogga laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-du ku leedahay Faceboook-ga, ayaa haatan ah 813,993 oo qof.

Dadkan faalooyinka ka dhiibinayay ayaa intooda baddan ku eedaynaya inayna dhexdhexaad ahayn. Halka tiro aad u badani oo dadka ka mid ahina ay ku dhaleecaynayeen afka soomaaligooda oo liita

“Wax ka baddala sida aad wax ku wadaan, waliba kuwa wax qora iyo wariyayaasha Kiiniya idiin jooga.” Sidaa waxa sheegay Cismaan, oo ka mid ahaa dadka faalooyinka ku dhiibtay, oo isagu bogga ku qiimeeyay 1 xidig.

Boggaga Facebook-ga ayaa inta badan leh, qiimaynta (Rating and Review) taas oo ka kooban shan xidigood. Xidigta kaliya ayaa ah in qofka qiimaynayaa “uu neceb yahay bogga”, halka labadda xidigood ay tahay “Ma jecli”, saddexda xidigood “dhexdhexaad”, xidigta afraad “wanaagsan”, shanta xidigood “aad u wanaagsan”.

Qiimaynta ayaa hadday hoos u dhacdo ku keenaysa sumcad-darro, iyo hadhaw la ashkatayn karo marka la arko in dad badan ay ka soo horjeedaan waxa uu soo qorayo boogaasi. Halkan hoose waxa ku qoran qoraal arrintaa la xidhiidha oo bogga gaar ka ee facebookga uu internetka lagu baahiyay.

Dadku waxay u adeegsadaan Facebookga inay dadka kula wadaagaan waayo-aragnimadooda, isla markaana ay soo bandhigaan qodobadda ay u arkaan inay muhim yihiin. Taa macnaheedu waxa ay tahay in aad la kulmi kartid fikrado ka soo horjeeda taada, taas oo oo aanu aaminsanahay inay keeni karayso inay wada hadal muhim ah laga yeelan karo qodobadda lagu kala tagsan yahay.

—Facebook-ga

 

 

Idaacadda BBC-da ayaa cabashooyin ay ka bixisay xukuumadda Somaliland, muddooyinkii ugu danbeeyay, taas oo keentay in madaxda ugu sarraysa idaacaddaasi ay dalka yimaadaan. Cabashooyinkan ayaa aan ku koobnayn Somaliland oo kaliya, balse guud ahaan dadka afka Soomaliga ku hadlaa ay ka dhiibinayeen, iyagoo su’aalo ka muujiyey dhexdhexaadnimadooda.

“Maxaa wariye looga waayay deegaanka balaaran ee Puntland.” Waxa hadalkaa yidhi Cismaan.

Dhanka kale Idaacadda BBC-da, oo ka mid ah hay’addaha warbaahineed ee ugu war-hufan caalami ahaan, ayaa ay ku dhigan tahay xeerkooda anshaxa iyo hagaha tifatirkooda (Editorial Guidelines) inay dhago-wadan ku qaabilayaan cabashooyinka ka imanaya dhagaysatayaashooda

Kalsoonida BBC-da lagu qabaa waa qiimaha ugu muhimsan mana aha in la dhayalsado kalsoonidda bulshaddu u hayso BBC-da. Waxaanu joogtaynaynaa xidhiidh daacad iyo daahfurnaan leh oo aanu la leenahay dhagaystayaashayadda, si u kas ahna marna u marin-habaabin mayno marka builshaddu ay nagala soo xidhiidho meelaha kala duwan ee aanu xidhiidhka ka leenahay, waxaana loola dhaqmi doonaa si qadarin, daacadnimo iyo caddaaladi ay ku jirto.

 

Waxay intaa ku sii dareen sida tan:

Dhagastayaashu waa qalbiga wax kasta oo BBC-du qabanayso. Fal-celinta dhagaystayaashayadda ayaa noogu fadhiya qiime aan la soo koobi Karin, waxaanay naga caawinaysaa in aanu u adeegsano tayaynta barnaamujyadayadda.

Xilkasnimadda aanu u hayno dhagaystayaashayadda ayaa nagu qasbaysa in aanu hubno in si dhakhso, qadarin iyo ixtiraam leh looga hawlgalo cabashooyinka iyo su’aalaha ka imanaya. ((http://www.bbc.co.uk/editorialguidelines/guidelines/interacting-with-our-audiences)

Idaacadda BBC-da ayaa haatan xidhay gabi ahaanba qiimayntaas, ka dib markii la gaadhsiiyay 3.7 guud ahaan oo 5 dhibcood ah, iyadoo sida muuqata ka cabsi qabta, illaa haddana wax jawaab celin ah ka bixin cabashooyinka ay dadku ku muujiyeen inay qiimaynteeda hoos ugu dhigaan. Waxaana dad badani ku tilmaameen inay tahay mid cabudhin ay ku saarayso dhagaystaayaasheeda halkii ay isku soo dhawaansho iyo xilkasnimo sida lagu sheegay xeerka tifatarka guud ee BBC-da. Waxaana lagu tilmaamayaa inay jabisay xeerkaasi, taasi oo keeni karayso in lagu dacweeyo cawaaqib foolxunna ku keeni karta maamulka Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Bogagga Facebook-ga ee afafka kale ku baxa ayaa leh qiimayntan, isla markaana si joogto dhagaystayaashoodu qiimaynta ugu sameeyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan gobolka Saaxil ka dib safar uu shalay galab ku soo gaadhay Magaalo Madaxda Berbera ayaa saaka xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Berbera, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saddex waddo oo halbawle u ah magaalada gudeheeda dhismeheedahana ay ku suntan tahay dawlada hoose ee Berbera, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Xarun casriya oo ay daahfurtay Shirkadda SOMGAS.

Madaxweynaha Oo Khudbad Ka Jeediyey munaasibadaasi ayaa yidhi:-

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

Farxad weyn bay ii tahay, aniga iyo Madaxda kale ee i wehelisa, in aannu maanta ka soo qayb gallo munaasibaddan, xadhiga lagaga jarayo terminalkan lagu kaydinayo gaska dabiiciga ah, ee laga hiragliyey Magaalada Berbera.

Ugu horrayn, waxaa mahad ballaadhan iska leh ALLAHEEN-NA weyn, ee inoo fududeeyey wax kasta. Mar labaad, waxaan jecelahay in aan si gaar ah u bogaadiyo, Shirkadda SOMGAS ee ku dhiiratay inay dhisto Terminalkan casriga ah ee Gas-ta. Waxaa hubaal ah, in uu mashruucani wax weyn ka tari doono mustaqbalka, badbaadinta deegaankeenna xaalufay.

Waxaa hubaal ah, in xaruntan ganacsi la galiyey aqoon iyo adduun badan, taas oo sabab u noqotay, in Shirkadda SOMGAS ay sabir u yeelato, in ay sugto daahfurkiisa iyo danbarkiisa, muddo ku sima sagaal sanno. Waxaan aaminsanahay, in mulkiilayaasha mashruucani ay heli karayeen, in ay hantidooda ku maalgashadaan, mashaariic kale oo ay faa’iido deg-deg ah ka helaan, balse macaashka ka sokow, ay mudnaan siiyeen maslaxadda guud ee qaranka.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xaalufinta deegaanka, goynta dhirta iyo dhuxul shidistu, waxay ka mid yihiin aafooyinka ugu waawyen ee ummad ahaan in haysta. Dhinaca kale, waxay ka mid yihiin arrimaha sababa abaaraha ba’an ee dalkeenna ku soo noq-noqda.

Sidaa darteed, waxaan Madaxweyne ahaan dardargelinay, daryeelka iyo ilaalinta deegaanka Somaliland, waxaan soo saaray laba wareegto Madaxweyne, taariikhdu markii ay ahayd 06/09/2014.

Wareegtadaasi waxay sugaysay, ilaalinta deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxaan Wareegto Madaxweyne, ku soo saaray 10/01/2016, Xeerka Ilaalinta Dhirta iyo Ugaadhka, Xeer Lambar. 69/2015, kaas oo mamnuucaya in la shido dhir qoyan, loona isticmaalo dhuxul.

aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo Wasaaradda Deegaanka, oo ay hormood u tahay Wasiirka Shukri, xilka weyn ee ay iska saareen wacyigelinta iyo joojinta dhuxusha, taas oo imika ay bulshadu u bislaatay.

Haddaba, maadama isticmaalka dhuxushu, uu dhibaato badan ku hayo dhulkeenna, waxaannu dhiirigelinaynaa isticmaalka tamarta kale ee beddeli kara, si loo yareeyo jarista dhirta. Isticmaalka Gas-tan, waxaa lagaga maarmi karaa, in aynu isticmaallo dhuxusha caadada inoo noqotay, taas oo deegaankeenna dabar goynaysa. Si mashruucani u hanoqaado, waxaan kula talinayaa Shirkadda SOMGAS, in ay hoos u dhigto qiimaha gas-ta, si bulshada danyarta ahi, u awoodi karto in ay iibsadaan. Arrintaa waa in ay dhug iyo dhaymo u yeeshaan madaxda mashruucan maalgelisey.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xukuumadda aan gadhwadeenka ka ahay, waxaa siyaasaddeeda udub dhexaad u ah, in ay dhiirigeliso maalgashiga, ay dalkooda ku samaynayaan ganacsatada reer Somaliland. Sidoo kale, waxaa naga go’an in aannu dalkayaga iyo dadkayaga u samayno saxiibo badan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo ganacsi, kuwaas oo suurtagelin kara in lagu tallaabsado horumar ballaadhan, iyo maalgashi mug leh. Waxaannu soo dhoweynaynaa, cid kasta oo dalkayaga maalgashi ka samaynaysa, kaas oo manfac iyo maslaxadi dadkayaga ugu jirto.

Mar kale, waxaan ganacsatada kale ee Somaliland ugu baaqayaa, in ay ku dedaalaan sidii ay dalkooda u maalgashan lahaayeen, hantidoodana ugu huri lahaayeen dhulkooda hooyo, si uu dhaqaalaheennu u kobco, loona abuuro fursado shaqo.

Ugu dambayn, waxaan shacbigayga ugu baaqayaa, in ay soo dhaweeyaan horumarka iyo mashaariicda maalgashi ee maslaxadoodu ku jirto, isla markaana ay ka feejignaadaan, aragtiyaha xun ee u horseedaya kala qoqobka, qabyaaladda, qaran jabka iyo in ay qayrkood hoos maraan qarniyo badan.

Guntii iyo gabo-gabadii, waxaan ugu baaqayaa in ay ilaashadaan midnimada iyo wada jirka dhexdooda, cadawgooda dhinac uga soo wada jeestaan. Waxaan kale oo ku dardaarayaa dhammaan shacbiga in ay isu naxariistaan, oo is caawiyaan xilligan lagu jiro dabayaaqada abaarta aafaysay duunyo iyo dad badan.

 

ALLAHAYOW abaarta naga jebi,,,

ALLAHAYOW tubta toosan nagu hanuuni,,,

ALLAHAYOW ma dooran karnee Adigu noo door,,,

ALLAHAYOW bogayaga burcad isu mari,,,

ALLAHAYOW tacabka, ubadka, aduunka iyo aradka intaba noo islaaxi,,,

Madaxweynuhu waxa uu shahaado sharaf lagu maamuusay ka gudoomay shirkada SOMGAS, sidoo kalena waxa uu fure gaadhi gudoonsiiyey Madaxweynuhu wasiir Shukri Xaaji Baandarre oo ay shirkada SOMGAS, ugu talogashay gaadhi ku shaqaynaya gaas, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin lagu sharfay sidii ay ula shaqeeyeen shirkada somgas gudoonsiiyey wasiirada Macdanta, Ganacsiga, Maaliyada, Deegaanka, Maareeyaha Dekeda iyo Maayarka Magaalada Berbera,

Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

Email: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa