Published On: Wed, Mar 29th, 2017

Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya oo codd-aqlabiyad a ku meell-mariyey ansixinta Golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Farmaajo

Muqdisho (BMC)-Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyey warararkii iyo beentii huu-haada ahayd ee la xidhiidhay walaacii laga qabay inay ishortaagidoonaan xukuumadda uu dhawan soo dhisay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayrre.

fadhigii manata ee xarunta Golahaasi oo ay ka soo xaadirtay tiro dhan 241 mudane kuwaasoo markiihore ka dooday qaabka loomarayo ansixinta xubnaha Golaha wasiirrada oo ka kooban dumar iyo Raggba,gabagabadii dooddaasi waxay natiijadii ku soo ururtay in loo qaaday codkii gacantaagga ahaa kaasoo si cadaan ah loogu kala baxay galinhoraba guushii meeshaa ka dahcday.

anisixinta xubnahaasi Golaha wasiirrada waxaa soo dhaweeyey oo haa ugu codeeyey 224 mudane waxaa diiday 15 oo maya ugu codeeyey halka ay ka aamuseen anixintaasi 2 xubnood oo kaliya halka uusan codayn gudoomiye ku xigeenkii 1-aad ee madashaasi hagayey Mudane Muudaye.

iyadoo intaa kadibna isla goobtiiba lagu dhaariyey xubnihii wasiirrada cuusub kuwaasoo ay shaashadadaha warbaahintu soo tebinayeen iyagoo gacanta ku haya Kitaabka qur’aanka kariimka ah oo dhaaranaya waxaana dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamaddasare.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa