Published On: Thu, Mar 30th, 2017

Fikradihii Cilmaaniyadda oo Hargeysa hadheeyey iyo raadkii ka hadhay dhalinyaradii dhawaan soo bandhigay dharkii xayasiiska lagu sheegay

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

Hargeysa (BMC)-Halku dhagga carwada waxaa kusoo noqnoqday erayga Space (faalal), runtii faalalka waxaa soo hoos galaya sida ku cad buug gacmeedka Carwada macnayaal badan balse waxaa jira jiho uu usocdo oo aan la dhaadayn , halka dadka wax odorosaa ay sheegayaan in uu ka gun dheeryahay macnaha loo dhigayo seeska sida dabacsan, iyadoo sal looga dhigayo doodaha furan ee bilaa xayndaabka ah. Si doonista nafta looga dhargiyo  iyo raaligalinteed si ay  uga guddubto  dabar Aadamaha Allaah u dhigay, loona noolaado si ka hoosaysa mayeedhaanka, balse masiibaduba waa haddii ay iyaga ku kooban tahaye, waxay sadhaynayan dhamaan aadamaha iyagoo adeegsanaya qaar ujibaysan dhaldhalaalkooda meelkastana u horboodayo , takale wixii nacfiga lahaa masoo jilaabayaane waxay ku asqoobeen erayga Xoriyad bilaa xayndaaba, waxaana loo socdaa in bulshada lagu dhexbeero geedka xoriyada billaa xayndaabka ah, si loogu shubo afkaar qadhaadh oo qas iyo tashwiish u badan, taasina ku aroorto fasahaad nololeed.

Tabaha diirada ay saaraan ee ay dadka kasoo galaan, waxa halku dhig u ah in dhaqanka la buun buuniyo, heerkiisa meel dhaafsiisan lagaadhiiyo iyo awooda aadamaha oo isna heerkiisa la dhaafiyo, iyo caqliga oo la kormariyo xayndaabkiisa diimeed. iyadoo isha laga lalinaayo dhamaan tubaha toosan. Waxaa dunida ka caana duulaanka loo yaqaan duulaanka maskaxda oo meelo badan biyo dhigay, waana yool aad ilayska loogu raadsho si loo hanto quluubta bulshada dafiicka ka ha dhinaca kala haadida fikradaha iyo danaha ka dambeeya, iyadoo la adeegsanayo, waddiiqooyin gacmo sokeeye oo si hoose ugu tallaalan,  waana mawjado culus oo u ciilan  dhaxal wareejinta Caqiidada saafiga, ah ee samaawiga ah, una dambaysay dhambaaladii xaga rabi kayimid. Dagaalkanina maaha mid cusub ee waa soo jireen guuna waxaanu soo laba kacleeyaa, markasta oo dadka islaamku daciifaan ama bukoodaan kana gaabiyaan ku dhaqanka iyo ku dhaganaanta milgaha suuban ee ku salaysan Quraanka iyo Sunaha. waxayna ka faaiidaystaan bukaanimadiisa sababna u tahay marka dadkiisu ku qarqoomaan dhaldhalaanka adduunyada, balse ma dhinto ee dhul u dhiciisa ayaa fursad wayn u ah Allaa Koodyada hadda kumaakumka maraya, waxaad maqashaa “gob ma jabtee way liidaa”.

Waxaase wax laga naxo ah in indheergaradkii dadkan iyo dalkani dhaadi waayaan duullaanka inagu soo muruxsaday, si toosana inoogu eekaysan, mabaa’di’deenii. Butaacan, hirarka taariikh ahaan waxay dunida Islaamka kasoo galeen dalka Masar, iyo Turkey oo bulshooyinkaa qaybo kamida injiijka laga badalay, waxaana hada tusaale noola dalka Kuwait, dagaalkii ciraaq dabadii dhamaan dumarkii la qaawiyay dhalintiina la duufsaday,(nin kuwaytiya oo sheekhaa wuxuu yidhi qabsashadii Saddaam waxaa nagaga darran qabsashada Maraykan ee dhaqankii Islaamiga ahaa saameeyay) waxaanad arkaysaa waddamadaa dad islaam u nasab sheeganaya oo intay afka kala waaxaan leh, Diintu wax shaqo ah kuma laha nolosheena ee waa aalad cibaado, waana halka loo ham iyo hidig leeyahay. Waxayna leeyihiin naadiyo iyo xisbiyo, ururo afkaartaa sicad ugu baaqa. Masar waxaa laga soo galay iskuul Cilmaaniyada oo laga furay magaalada iskandariya oo dabada ku hayay kuwa neceb islaamka.

waxa foodsaare u ah in bulshada laga dhex abuuro bulshooyinka balasyan oo xanuun diin nacaybi biyo dhigay, si ay u noqoto “baruurbaa baruuryo qudhmisa,” ama “guddun yahay imaad goyseen ee badhkay baa kugu jira.Waxaanay qaddisaan dhaqank waa halbeega halku dhiga u ah in laga mashquulo wixii la inoo abuuray.

Runtii qawlaysatadani manastaa, waxaana muuqata eraygii ahaa “Qalwaddii masbaa galay,” maantana waxaa inagusoo dareeray maskaxo iyo mabaadii aan lamahadin doonin haddaan loo istaagin siddii loogu nasteexayn lahaa bulshadana looga dhawrilahaa, waxa ira magacyo iyo astaamo huwan ajandayaal hoose oo la haddoodilay, oo aad arkayso dad u jibaysan. Waxaana foodsaar ka dhigtaa iyo shay ay ku gabadaan xoriyda haddalka iyagoo doodo hordhaca sameeya, kuna gabagabeeya doodo taabanayana caqiidadda umada.

Waxaa dhalinta lagu jeediyay qorida buugaag waxaana ku xiga doodo, sida dhalin badan oo hadda waji buuga isticmaashaa soo qoraan haddalo gaalnimo cad ah, sida roobka duco ma keento ee waa shay cimiladu keento, iyo waxyaabo kasii liita, doodaha kuurka inagu soo hayaa waa kuwaa iyo qaar kale oo ka qadhaadh, waxa qudhe ay ay ka faaiidayaana waa Alle diidnimo iyo bulsho balayn, haddii ay iyagu ku kooban tahay, waynu iska moosi lahayne, dhibtu waxay sii qadhaadhaatay markay noqdeen kuwa ku baaqaya xumaanta, dadkii beerka jilicsanaan sanka lasii raacayaan hadalkooda, waana tilmaan digniin cas muujinaysa.

Waxa Naarta qofka u jiida afar Arrimood Nafta xumaanta jecel, shaydaanka, rabitaanka, iyo wixii tashwiisha. Waxay qolyahani adeegsaddaan tashwiishinta waxa lagu caafimaadaa cilmiga iyo iimaanka oo la xoojiyo, guntii iyo gababgabdii waxaynu galnay cahdi cusub oo dhinaca afkaarta kulul, oo khatara, si hoosana u faafaya kuna eekaysan Caqiidada saafiga, ah in la digtoonaadaana waa in daanwayne. Waana in sutti gaashaan loo qabtaa, waayo dadkan iyo dalkan waxaa loosoo shubay dhiig, in caqiidadooda qaar dhuuni raaca , ay siyar u xaddaan laga yeeli maayo, waxaan aad ugu farxay qoraal uu ka qoray waryska xukuumada ee dawan, oo kusaabsan shakhsiyaadka horboodaya oo taariikhdooda madaw ee nolosha, Xukuumadu waxa ugu horeeya ee masuul ka tahay waa diinta iyo caqiidadda in ay ilaaliso sidaa daraadeed waa in ay doorkeeda ciyaartaa.

Maanta waxaa bilaabmay mashruuc kamida kuwa ay ku ugaadhsadaan kooxdani, oo si qaawan u weeraray wixii inaga dhexeeyay ee diin iyo dhaqan ahaa, kaasi oo loogu yeedhay bandhiga dharka, waana tiirkamida kuwa larabo in laga taago dhulkan iyo dadkan dhexdooda kusoo caano maalay, Nabad iyo Diin, waana digniin hor leh, runtii mawduucaasi waa mid xasaasiya waana in toosh wayn lagu shidaa, waxaan kasii naxdin badan qaabka ay u qaabishay wasaarada Diinta iyo Awqaafta, oo sharaf inaga mudan balse dadbadan oo aan ku jraa waanu ka yar gaws qabsanay, halka bulsho badani calaamad su’aal galisay.

Ama ka nax, ama ku farax, dadkan, dhaqankoodii diinta waafaqsanaa, waa loo soo tafaxaytay, in la farafareeyo, ugu dambayntana sida quraanku sheegay meel dhexe la ina dhigo, oo xoolaha ka liidata, waxaana maanta wadddanka ka furan meelo haya shaqo lid ku ah wixii inaga dhexeeyay, ee aabayaasheen iyo culimadeenii ka dhaxalnay iyo awowyaasheen ee haa dhaqan iyo diin wanaag iyo Nabi jacayl, halka la inooga soo dhacayna waa albaabkii culimada qaar fadhiyeen oo ay kaga mashquuleen, adduunyo jacaylka, halka qaar tiro yari ay hadh iyo habeen umada u hayaan shaqo wacan oo diimeed, balse “Colkaa baan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan baa ku dhacday.”

Wadanka waxaa la keenay dadkii dunida horumartay ay soo eryeen sida Jude Kelly, una doodaysay in dadka isku jigsiga ah is guursadan, iyo meelo, u eg, night clubs, oo aan cidina dafiri kari, iyo qaar u dooda oo la yidhaado difaacayaasha xuquuqda, saddexdaa qolo iyo qaar kaleba waxay hayaan shaqooyin, qaar halis ku yihiin umadan, Wuxuu yidhi “haddaan dab idhaah ma afkaa iguban”. Waxaan naftayda iyo ta walaalaha guud ahana kuwa ku jira iyo kuwo aan ku jirin mashaariicdan ku dardaarayaa in aynu ka shaqayno Raali galinta Rabbi iyo ilaalinta danta guud iyo ta dalka.

Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa