Published On: Fri, Apr 14th, 2017

Dawaladda dalkaasi Maraykanka oo ciidamo dheeraada u dirtay caasimadda Somaliya ee Muqdisho

Muqdisho (BMC)-Maamulka Madaxweyne Donal Trump ka dalkaasi maraykanka ayaa ciidamo u soo diray  xarunta Somaliya ee Muqdisho halkaasoo ay diyaarado kaga soo dageen ciidamadaasi oo ku gaashaaman gadiidka dagaallka ee qafilan ee aanay xabadu karin.

ilaa hadda si rasmiya looga shaacin ujeedada ay ciidamadaasi ku yimideen caasimadda soo kabanaysa ee Muqdisho halkaasoo ay horeyba ciidamo dalaasi Marakanku leeyahay u joogeen Muqdisho kuwaasoo qabanaya shaqoon aan ciiwaankoodu caddayn balse lagu sheego inay tababarro siiyaan ciidamada Somalida iyo kuwa sanka Africada kale ka jooga Somaliya.

ciidamadii ugu horeeyey ee dagaalkii fiitnaam ka dib dalka dibaddiisa lagu laayo ee Maraykan ah ayaa noqoday kuwii lagu laayey caasimadda Somaliya ee Muqdisho sanadkii 1993 ayay ahayd markii uu maamulkii Madaxaweyne Bill Clinton u soo diray dalka Somaliya ciidamo farabadan oo milatari ah kuwaasoo qorshahooduu ahaa inay nabad ku soo celiynaan Muqdisho.

bulshadii Caasimadda Muqdisho ku nooleyd ayuunbaa subaxdiihore ku soo toosay ciidamo farabadan oo Maraykan ah oo xalay habeenimo ka soo dagay dekadda Muqdisho kadibna xaafadahah KM4 lagu soo daadiyey kuwaasoo isla markiiba fadhiisimo ka samaystay safaaradooda oo ku taalla dhanaca koonfureed ee Ispitalka caruurta ee Banaadir iyo meelo kale.

ciidamadaasi waxay durbadiiba bilaabeen inay sameeyaan soo jiidasho iyo isdhexgall xagga bulshada ahayd “social attract and interaction” waxaanay dadkii baahnaa ee dariiqdyada Muqdisho baahida la fadhiyey u qabiyeen cuntooyinka kaladuwan iyo buskur iyo waxyaabo kale oo ay bulshada ku soo jiidanayeen iyaga oo intaa ku dhexwattay hawlahoodiikale ee ay dalka u yimiddeen oo intooda badani ahaayeen ajandayaal u qarsoonaa oo aanay Somalidu garanayn.

bilo kooban kadib waxay is maan dhaafeen Janaraal Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa ninkii isku aakhiro seegeen Muqdisho waxaanay taasi keentay inay guud ahaan bulshadii Muqdisho markii dambe ka wada horyimaadeen ciidamadii Maraykanka ahaa oo gaadiidkoodii dhulka marijiray lagu qasbay inay diyaarad uun adeegsadaan xattaa markay doonayaan inay ciidamadii kala joogay xaafadaha Muqdisho isu tagaan.

khilaakaasi wuu sii kordhay waxaanu sababay dagaal afka iyo gacantaba ahaa inuu dhexmaray taageerayaashii Janaraal Caydiid iyo ciidamadii la odhanjiray sida RAHA ayey u boodaan ee Maraykanka oo dunidu ka wada baqanjirtay waxaanay xaaladdu gaadhay inay subax barqo ahayd tii ugu xumayd ka dhex dhacday Ciidamadii Maraykanka iyo shacabkii u badnaa taageerayaashii Caydiid (Habargidir) kuwaasoo isu adeegsaday hubka waawen iyo kan yaryar labadaba.waxaana dagaalkii saacadaha kooban socday ee ciidamadii Maraykanka iyo taageerayaashii Caydiid Somalida kaga dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 300 oo qof.

dhimashada iyo dhaawaca ayaa la kala garan waayey shacabkii Somaliyeed ee ay Diyaaradihii Maraykanku hawada kaga garaacayeen hubka balse dadweynihii Muqdisho oo arrintaa fooshaxumayd ka gadooday ayaa iyana dhinacooda aan waxba ula hadhin ciidamadii Maraykanka waxaanay wakhti kooban kadiba intuu dagaalkaasi socday dhulka soo dhigeen mid kamid ahayd diyaaradahihii Maraykanka ee shacabka hawada ka garaacayey iyo ciidamadii saarraa oo iyagiina loo adeegsaday waxkasta oo lagu dili karayey sida xabadda iyo xattaa mindiyaha.

waxaana la arkayey dumar iyo dhalinyaro dariiqa jiidaya maydadka ciidamadii sida RAHA u boodayey oo inta maydadkoodii xagga dambe gaadhi lagaga xidhay la jiidayo suuqyada Muqdisho taasoo Maraykana ku noqotay cebtii ugu weynayd ee abidd kood soo martay inta la ogyahya taariikhda waxaanan kamid ahaa dadkii goobjoogga ka ahaa maalintaa wixii Maraykanka iyo taageerayaashii Caydiid ku dhexmaay Muqdisho ee aan looga sheekaynin.

ilaa berigaa wixii ka dambeeyey Dawladda Maraykanku waxay si qarsoodi ah ciidamadeeda ugu soo diraysay dalka Somaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyadoo ka waji dadbaysay fadeexaddii ka qabsatay dahcadaasi cajiibka ahayd oo la baxday “THE BLACK HAWK DOWN” ilaa haddana ay dunidu faallo u soo qaadato marka laga hadlayo jabkasta oo ciidamada dalkaasi Maraykanka kus oo gaadho dalka dibaddiisa.

dagaalkaa waxaa  maalintaa ciidamadii sida RAHA u boodayey kaga dhintay caasimadda Muqdisho ee Somaliya 19 Askari oo maydkooda sida aan horey u soo sheegnay dhulka la jiiday qaarkalana inta lagu tuuray xaafadda jidka Mareexaanka dh inaciisa galbeed oo godka ahayd meel tiin tiin badan uu markii dambe nin xaafaddaasi daganaa oo kujiray guriyar oo Cariish ahaa maydkii ciidamadaasi Maraykanka soo qaaday oo uu gurigiisa ku qariyey ayuu u tagay ciidamadii Saraadda ku xaraysnaa ee Maraykanka kadibna u sheegay inuu hayo 5 kamida maydadkii Askartii kaga dhimatay dagaalkaasi.

goor habeenimo ah ayaa ninkii lagu soo daray ragg-kale oo Somali ahaa kuwaasoo Taagasi ku soo qaaday maydadkii Askartaasi kadibna si qarsoodi ahayd ku soo mariyey jidka waayo haddii la ogaan lahaa inay goor iftiin ah maydadkaasi wataan iyaga iyo maydkoodaba waa layska gubi lahaa colaaddii markaa dhextiillay ciidamadii Maraykanka iyo Somalidii Muqdisho daganayd xilligaa.

markii dambe ninkii maydadka askartaasi ku qoriyey gurigiisa oo sida aan sii sheegnay iska ahaa nin danyar ah waxay Maraykanku abaalmarin uga dhigeen inay isaga iyo dadkii ehelkiisa ahaa oo dhanba ka dhoofiyaan Muqdisho una qaadeen Maraykanka halkaasoo uu ilaa hadda ku maqanyahay ninkaasi iyo dadkiisiiba.

www.Baadiye.com