Published On: Sun, Apr 16th, 2017

Habartii ugu da’da waynayd Habraha aduunka oo dhan oo shalay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaalla caasimadda Rome dalkaasi Talyaaniga

Rome (BMC)-Ms Emma Morano oo u dhalatay dalkaasi Talyaaniga isla markaana ahayd qofkii dur ahaa ee ugu da’daweynaa dunidan aan ku jirro ayaa shalay ku geeriyootay kursigeedii ay ku fadhiisan jirtay gurigeeda oo ku yaalla caasimadda Rome ee xarunta dalkaasi Talyaaniga.

Haweenaydan  oo la sheegay inay dhalatay 29 november 1899 qarnigii 19-aad ayaa u soo joogtay wakhtiyo kaladuwan waxaanu cimrigeedu gaadhay 117 sano waxaanay xaadir u soo ahayd taariikhihii dagaalladii 1-aad iyo kii  2-aad ee aduunka iyadoo soo guursatay nin ay wiil kaliya u dhashay kadibna ay is fureen iyada iyo odaygeedii.

Ms Emmano Carona ayaa ninkii dhakhtarka gaarka ah u ahaa loo sheegay inay Habartii ku dul bakhtiday kurisgeedii ay ku fadhiisanjiray guriga daaraddiisa,Ms Emmano waxay ahayd dumarka aduunka jooga habartii ugu cimriga dheerayd,warbaahinta aduunka ayaa si weyn u baahinayey ilaa shalay iyo maantaba tiiriikhda haweenaydaasi iyo siyaabihii kaladuwanaa ee ay ku soo qaadatay nolosheeda.

www.Baadiye.com