Published On: Tue, Feb 14th, 2017

WARBIXIN: Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Markale U Tartami Doona Midka Horgaadhi Doona 100-Ka Gool Ee Champions Leaque-ga.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa markale caawa iyo habeen danbe tartan xoogan u gali doona sidii ay ku gaadhi lahaayeen 100 gool ee Champions Leaque-ga. Labada xidig ee kubbada cagta ugu fiican ayaa markale diirada ku haya in ay hiigsadaan qarniga goolasha Champions Leaque-ga oo aanu ilaa hadda jirin ciyaartoy abid soo gaadhay.

Lionel Messi ayuu xidigii jabiyay rekoodhkii abid ee gool dhalinta Champions Leaque-ga u yaalay kadib markii uu sanadkii 2014 kii Cristiano Ronaldo ka horgaaday rekoodhkii Raul uu ku haystay 72 ka gool ee Champions leaque-ga. Laakiin xidiga ree Portugal ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay dhalyay 16 gool oo Champions Leaque-ga ah si uu Lionel Messi uga sare maro.

Balse markale Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan wacdaro la soo baxay wuxuuna 5 kulan oo Champions Leaque-ga ah ka soo dhaliyay 10 gool wuxuuna soo sameeyay 2 gool halka uu laba saddexley ka soo dhaliyay kulamadii Celtic iyo Manchester City. Messi ayaa soo yareeyay farqigii goolasha ee Ronaldo u dhexeeyay.

Bilawgii xili ciyaareedkan Cristinao Ronaldo ayaa u muuqday inuu xili horeba gaadhi karo 100 gool ee Champions Leaque-ga wuxuuna Lionel Messi ka horeeyay 10 gool balse qaab ciyaareedka aan fiicnayn ee uu Ronaldo xili ciyaareedkan kala soo muuqday kooxdiisa Madrid ayaa sabab u noqotay in uu ku jiro waqtigii ugu dheeraa ee aanu Champions Leaque-ga wax goolal ah ka dhalin.

Ronaldo ayaan 433 daqiiqo wax gool ah ka dhalin Champions leaque-ga xili ciyaareedkan wuxuuuna lix kulan oo xili ciyaareedkan ka soo muuqday Champions Leaque-ga uu dhaliyay kaliya 2 gool taas oo guud ahaan goolashiisa Champions Leaque-ga ka dhigtay 95 gool halka Lionel Messi uu yeeshay 93 gool waxaana jira laba gool oo kaliya oo kala saraana labadan xidig ee u tartamaya 100 gool ee Champions Leaque-ga.