Published On: Sun, Apr 16th, 2017

Ciidamada ammaanka oo toogasho ku dilay laba nin oo madaafiic ku asqeeyey xaafado ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (BMC)-Ciidamada nabadgaliyada ayaa dil toogasho ku khaarijiyey  laba nin oo kamid ahaa kooxaha wax qarxiya oo xaafado ku yaalla degmada Madiina ku garaacay madaafiic khasaare u geystay dadkii shacabka ahaa ee deegaankaasi ku noolaa.

labadan nin ee la dilay ayaa adeegsanayey madaafiicda khatarta ah iyo gaadiidka qaraxyada lagu qaado kaasoo ay si xeeladaysan ugu laayaan bulshada ku nool hadba meesha ay dhagartaa ka fulinayaan,ciidamadda raggaasi laayay ayaa ku guuleytay inay ugu dambeyntii labo kamida raggii hawshaa mafaafiicda ah fulinayey rasaas la dhacaan kuwaasoo maydkooda si aan qurux badnayn loo soo dhigay baraha bulshada ee internet-ka.

www.Baadiye.com