Published On: Mon, Apr 17th, 2017

Codayntii wax ka bedalka Dastuurka dalkaasi Turkiga ka dhacday oo Guul aan badnayn kaga helay garabkii diidanaa aftidaasi

Ankara (BMC)-Shacabweynaha dalkaasi Turkiga ayaa u codeeyey wax ka badalka qodobada dastuurka dalkaasi si awood hdeeraad ah loosiiyo Madaxweyne Rajab Erdugan,tirada dadkii haa u codeeyey oo lagu sheegay inay ahaayeen 86% ayaa helay codadkii la filayay,balsse waxaa sanaaduuqda codadka lagu dhiibtu u kallahay subaxnimadiihore ee shalay malaayiin qof oo uu kamid yahay Madaxweyne Erdugan kaasoo ay kaamiraduhu soo qabteen isaga oo codkiisha dhiibanaya sarena u haya warqadda codaynta.

inkastoo ay guushu raacday dhinicii taageersanaa HAA da ee doonayey in wax ka badall lagu sameeyo qodobada dastuurka dalkaasi hadana may waxbadan kaga guuleysan dhinicii diidanaa codayntaasi wax lagaga badalayo dastuurka isla markaana ka soo horjeeday awoodd-siinta dheeraadka ah ee Madaxweynaha loogu wareejinayo sand-bursiga aan caadiga ahayn.

Madaxweyne Erdugan oo warfidiyeenka la hadlay guushii uu helay kadib ayaa sheegay inay maalin taariikhiya u tahay shacabka dalkaasi Turigiga,hadda iyo wixii ka dambeeya ayaa la rajaynayaa inuu Ms Erdugan gudaha u gelidoono isbadalkii loo codeeyey ee ahaa inuu isagu si gaara ula wareego awoodaha dalkaasi lagu maamulayo oo dhan.

dhanka kale waxa uu noqonayaa Madaxweynihii sida diqoraadiga ah shacabka dalkaasi u soo doorteen ee hadana isu badalay habka kaligii-talisnimada taasoo ay mucaaradka iyo waddamada reer Galbeedkuba liqi waayeen isbadalkaasi lagu soo rogay dastuurkii dalkaasi lahaa,Gudoomiyaha xisiga shacaka Jamhuuriga ayaa sheegay wixii dhacay inay ahaayeen wax ka fogg caddaaladda.

www.Baadiye.com