Published On: Mon, Apr 17th, 2017

Shirkii Badhasaabyada Goballada (Madaxweynayaal ku sheeggyada) iyo xukuumadda Fadaraalka “fitnada” oo lagu soo afjaray xarunta Villa Somaliya ee Caasimadda Muqdisho

Muqdisho (BMC)-Kulan ballaadhan oo ay lahaayeen xukuumadda Fadaraalka “fitnada” iyo Badhasaabyada la siiyey meeqaamka aanay lahayn ee loogu yeedho Madaxweynayaasha  maamul-gobaleeddyada oo runtii aan ahayn wax loogu yeedhi karo sharafta iyo karaamada Madaxweyne-nimada iyo xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi “Farmaajo” hogaaminayo ayaa lagu soo afxidhay xarunta madaxtooyada ee Villa Somaiya.

shirkan oo diiradda lagu saarayey sidii waxka badall loogu samayn lahaa wada shaqaynta iyo dhago nuglaanta looga baahan yahay inay xumuumadda dhexe u muujiyaan Badhasaabyadu waxaa hagayey labadii caano maall ee uu socday Madaxweyne Farmaajo oo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayrre iyo afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ay hareero fadhiyeen waxaanay masuuliyiinta xukuumadda fadaraalka “oo ah fitnada cusub ee kala fogeynta shacabka Somaliyeed” maaha fitadu xukuumadda balse waxa aan fitnada ula jeedaa waa erayga “Fadaraalka” ee haw famin inay xukuuumadda tahay fitnadu.

Xubnaha Badhasaabyada shirkaa ka soo qaybgalay waxaa kamid ahaa

1-Badhasaabka Gobalka waqooyi-bari Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

2-Badhaasbka Gobalka jubada-hoose Axmed Maxamed Islaam

3-Badhasaabka Goballada Baay iyo Bakool

4-Badhasaabka Goballada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe Cabdillaahi Cosoble

5- Badhasaab ku xigeenka ahna siihayaha jagadii Badhasaabka xilikii laga qaaday dawaan ee Gobalada Mudugg iyo Galgaduud Maxamed Cabdi Xaashi

Madaxweynaha iyo Badhasaabyadu waxay isla qaateen gabagabadii shirkaasi qodobadan soo socda

1-Waxka qabashada iyo daradr-gelinta xaaladda Abaaraha ee dalka maanshaysay

2-Dib u habaynta guud ahaan hanaanka kaladuwan ee hay’adaha Dawladda ee heer qaran

3-la dagaalanka kooxaha nabadd diidka ah iyo dhamaan argagixisada caalamiga ah

4-Arrimaha siyaasadda,xaaladda dhaqaalaha iyo sidoo loo kobcin lahaa.

5- in la xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya Badhasaab-yada iyo xukuumadda Fadaraalk ah

dhanka kalana Madaxweynaha iyo Badhasaabyadu waxay sheekeen inay walaac ballaadhan ka muujinayaan

1-Xaaladda Abaaraha galaaftay dadkii iyo duunyadiiba

2-Masuuliyiinta xukuumadda Fadaraalka iyo Badhasaabyadu waxay u mahadceliyeen waxa loogu yeedho beesha caalamka “beenta caalamka” oo ah kuwa Somaliya halkaa dhigay sida ay ula garabtaagan yihiin xukuuumaddan iyo kuwii ka horeeyeyba taakulada joogtada ah

3-Waxay masuuliyiintaasi rajo wanaagsan ka muujiyeen wada shaqaynta iyo hormarka “waa sida ay hadalka u dhigeen e”ka dhaxaysa xukuumadda fadaraalka ah iyo Badhasaabyada loo xidhay shaadhka ka wayn ee Madaxweyne-nimada beenta ah ee hoos ka qabiilka ah kaasoo ah nooc kamida guumaysiga cusub ee Somaliya loogu talogalay inaanay qoorta kala soo bixin godkii madoobaa ee ay Somaliya ku rideen daba dhilifyada iyo calooshooda u shaqaystayaasha magaca uun Somalida ah iyo Dillaaliinta maafiyada ah ee loogu yeedho beesha caalamka.

“NB” Sawirkaa waxaanu ka soo qaadannay Shabakadda Radiomuqdisho.net

www.Baadiye.com