Published On: Mon, Apr 17th, 2017

Xafladd ballaadhan oo lagu soo bandhigayey daah-furka Buugga cusub ee Diiwaanka Maah-maahyada Somaliyeed ee NUXUR1 oo lagu qabtay Hotelka Alxayaad ee Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (BMC)-Xafladd ballaadhan oo laysku arkay isla markaana lagu soo bandhigayey Buugga cusub ee Nuxur-1 oo dhawaan lagu soo daabacay xarunta Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu qabtay Hotelka Alxayaad ee  magaalada Muqdisho,munaasibaddii xafladdaasi ee loogu wanqalayey Buuggaasi waxaa ka soo qaybgalay qoraaga Buuggaasi Cabdiraxmaan Sheekh Khaliif,Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamida mudanayaasha Baarlamaanka fadaraalka,Cabdinaasir Yuusuf Macalin “ganey” oo ka socday ururka qalinleyda PEN,Eng Mustaf oo matalayey machadka daraasaadka ee Jaamacadda Somaliya,aqoonyahanno ka kalasocday bahda waxbarashada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Dadweynaha reer Muqdisho oo si weyn u xiisaynayey isla markaana muddo dheer sugayey daabacaadda Buuggaasi iyo inta suu soo gaadhayo maalinta xafladdiisa la baqanayo iyo suuqyada Buugaaggta lagu iibiyo ee caasimadda Muqdisho ayaa subaxnimadiihoraba sii kuuxiyey kuraasta madashii ay xafladdaasi ka dhacaysay iyagoo markii miiska la soo dhigay Nuqullada Buuggaasi ay markiiba intaysan xafladdaasi bi laabmin gacanta horey u galiyeen jeebadaha si ay u iibadaan Buuggaasi waxaana la arkayey dadweynihii xafladdaasi ka soo xaadiray oo kor iyo hoosba u eegaya muuqaalka quruxdabadan ee Buugga iyo nuxurka macaan ee ku duugan gudihiisa.

Buuggan Nuxur-1 oo ah diiwaan ay ku qoranyihiin xikmado farabadan iyo maah-maah-yadii ay horey sheegeen Somalidiihore iyo qaar kamida kuwii soo baxay wixii ka dambeeyey burburkii Dawladdii Somaliya ayuu qoraagu sheegay inay wakhtibadan ku qaadatay sidii ku soo helilahaa maah-maah-yada Somalidu horey u sheegeen iyo isku soo uruurintoodaba.

dhinacakalana Cabdiraxmaan Sheekh Khaliif waxa uu sheegay in aanay maah-maahyadaasi ku qorreyn oo kaliya afka maxaatidhi ee ay Somalidu u badanyihiin balse ay sidookale ku qoranyihiin afka may-mayga ee lagaga hadlo Goballada Baay iyo Bakooll iyo qaybo kamida Gobalka Banaadir iyo shabeellada dhexe.

Buuggan diiwaanka maah-maahyada Somaliyeed waxaa ku qoran tiro ka badan 2000 oo maah-maahood iyo sahraxaadoodii oo u dhamaystiran kuwaasoo lagu macneeyey luuqdda maxaatidhi sidii aan horey u sii sheegnay iyo afka may-mayga,aqoonyahannadii kaladuwanaa ee xafladdaasi ka soo qaybgalay ayaa siyaabo kaladuwan uga hadlay qiimaha buuggani leeyahay iyo aqoonta uu ku soo kordhindoono maskaxda iyo garaadka bulshada Somaliyeed.

Aaqoonyahannada,siyaasiyiinta iyo masuuliyiintaasiba  waxay dhinacyo kaladuwan ka tilmaameenka falanqeeyeen inuu Buugga Nuxur-1 qayb-wayn ka qaadanayo soo celinta iyo dib u soo nooleynta afkii Somalig oo xilliyo kaladuwan iyo goobo kaduwan-ba ay Somaliyda iyo aqoonyahanka kale ee caalamkuba gaar ahaan bahda luuqduhu sheegaan inuu kamid yahay afafka sida weyn looga cabsiqabo inuu dabargo,aan.

sidookale waxgaradkii iyo aqoonyahannadii madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxtarka uu buuggani u leeyahay barashada dhaqankii Somaliga ahaa oo hadda aad mooddo inay da’yartu ka soo baxayaan barashadiisa iyagoo ku dhexbadhxay luuqado-kale oo aanay is qaadankarin dhaqan ahaan iyo macno ahaantoona waxaanu Buuggani dhalinyarta hadda soo kacday fursadd u siinayaa inay ka dheehan karayaan nuxurka uu xanbaarsan yahay hadduu noqon lahaa maah-maahyada iyo  kaalinta dhaqanka iyo barashasadiisaba.

ugu dambeyntiina guud ahaan dadkii kaladuwanaa ee xafladdaasi ka qaybgalay gaar ahaan kuwii fursadda u helay inay madasha ka hadlaan ayaa ammaan iyo bogaadin qiimo badan intaba u soo jeediyey Qoraaga Buuggan Cabdiraxmaan Sheekh Khaliif waxaanay sheegeen inuu yahay nin bulshada Somaliyeed kaalin wayn uga soo baxay isla markaana wax ka badbaadiyey dhaqanka iyo afkii-hooyo labadaba,waxaanay guud ahaan maah-maah-yada iyo sharraxaadooduba isku noqonayaan ilaa 7000.

www.Baadiye.com

Xafiiska Muqdisho