Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Liverpool Oo Kooxaha Juventus Iyo Borussia Dortmund Ku Tartamaysa Saxiixa Gool Dhaliyaha Athletic Bilbao Ee Inaki Williams Oo Muddo Diirada U Saarnaa Klopp.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa tan iyo xagaagii la soo dhaafay doonayay saxiixa xidiga orodka badan ee kooxda Atheltic Bilbao ee Inaki Williams, laakiin Liverpool ayaa tartan kala kulmaysa kooxaha Juventus iyo Borussia Dortmund  oo doonaya in ay safka kooxahooda ku soo xoojiyaan Williams.

Inaki Williams ayaa dhawaan shaki wayn galiyay mustaqbalkiisa San Mames ee kooxdiisa Athletic Bilabo  wuxuuna sheegay: ” Haddii ay tahay in aan barri baxayo, waxaan daacad ka noqon doonaa Athletic, wax kasta ayay aniga isiiyen”.  Jurgen Klopp ayaa xidigan u arka mid kooxdiisa wax wayn ku soo kordhin kara laakiin waxa uu tartan kala kulmayaa kooxdiisii Dortmund iyo Juvnetus.

Sida uu ku waramay wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee  Tuttosport, Liverpool ayuu bartilmaameed u yahay Williams balse waxay tartan xoogan kala kulmaysaa kooxda Juventus iyo Dortmund. Laakiin kooxdii doonaysa in ay la soo saxiixato Inaki Williams ayaa marka horeba u baahan in ay bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo ah 50 milyan oo euros oo udhiganta 42.6 milyan gini.

Mustaqbalka Daniel Sturridge ayuu shaki wayni ku jiraa kadib markii uu xili ciyaareedkan ku fashilmay in uu sii wato qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee gool dhalinta badnaa wuxuuna xili ciyaareedkan inta ugu badan ku soo qaatay kursiga kaydka Liverpool inkasta oo aad uga fiicnaaday dhaawacyadii badnaa ee soo gaadhayay.