Published On: Thu, Apr 20th, 2017

Diyaaradihii qaadka ee ka soo degijiray Garoonka Muqdisho oo loo leexiyey magaalada Jawhar iyo wasaaradda maaliyadda oo diyaaraha qaadka ku kordhisay canshuurta

Muqdisho (BMC)-Diyaaradihii qaadka ee ku soo degijiray dhabaha diyaaradaha ee Muqdisho ayaa loo leexiyey dhinaca magaalada Jowhar oo masaafo ahaan caasimadda ujirta 90 KM kaasoo ku qasbidoona ganacsatadii qaadku inay dhulka soo mariyaan qaadkooda taasoo ku keenaysa dib u dhac ku yimaadda saacadihii ay suuqyada soo galinjireen qaadka.

wararku waxay sheegayaan inay arrintaasi ka dambeysay markii ay wasaaradda maaliyaddu soo saartay amar canshuurta lagu kordhinayo diyaaradaha qaadka keena ee ka soo duula dalkaasi Kenya taasoo is fahmi waa ka dhex abuurtay ganacsatadii shirkada qaadka iyo wasaaraddii maaliyadda.

khal-khalkan cusub ee ku yimid saacadihii uu qaadku soo galijiray suuqyada caasimadda Muqdisho ayaa laga yaabaa inay fursad wanaasgan u noqoto hufnaanta iyo horumarka hawlihii shaqda bulshadu qabsanayeen isla markaana ay dadku jaanis fiican u helayaan qaddar kooban inay shaqaystaan iyagoo aan qayileyn.

ma cadda ilaa xadka uu legyahay khilaakan sababay inay diyaaradihii qaadku u weecdaan Jawhar basle koley waxaa muuqata  inay kala fogyihiin wasaaradda maaliyadda iyo soo dejiya-yaashii qaadka ka keenijiray dalkaasi Kenya walina lama oga inay labada dhinac xeer jajab isla gaadhidoonaan iyo inay arrintu sidaa  ku socon doonto.

www.Baadiye.com