Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Tababare Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Ee Kulanka Napoli, Ayaa Liiskan Ku Soo Baxay Ayaase Maqan?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa uu kala qayb gali doono kulanka lugta kowaad ee Champions Leaque-ga wareegiisa 16ka kooxood ee ay Real Madrid soo dhawaynayso Napoli. Los Blancos ayaa doonaysa in ay sii wadato difaacashada koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leaque-ga oo ay markii 11 aad ku soo guulaysatay.

Waxaa liiska Real Madrid ka maqan Gareth Bale inkasta oo uu si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Los Blancos, wuxuuna Zidane sheegay in xidiga ree Wales uu si buuxda jidh ahaan ugu soo kabsatay balse aanu doonayn in uu halis galiyo kulanka Bernabeu ee Napoli.

Waxa kale oo liiskan uu Zidane soo saaray ka maqan difaacyada Danilo iyo Fabio Coentrao si la mid ah da’yarka Mariano iyo Marco Asensio. Asensio ayaa sidoo kale seegay kulankii Osasuna ee ay Real Madrid guusha soo gaadhay. Lakaiin Cristiano Ronaldo oo isniintii ka maqnaa tababarka Real Madrid ayaa liiskan ku soo baxay wuxuuna diyaar u yahay kulanka Napoli.

LIISKA REAL MADRID EE KULANKA NAPOLI:

GOOLHAYE: Keylor Navas, Kiko Casilla, Ruben Yanez.

DIFAACA: Dani Carvajal, Pepe, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo.

DHEXDA: Toni Kroos, James Rodriguez, Casemiro, Mateo Kovacic, Luka Modric , Isco.

WEERARKA: Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Lucas Vazquez , Alvaro Morata.