Published On: Tue, Apr 25th, 2017

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka oo madaafiic ku garaacay saldhigg ay kooxaha wax qarxiyaa ku lahaayeen tuulada war-gaduud ee Gobalka Gedo

Wargaduud (BMC)-Diyaarado aad loogu tuhnsanyahay in laga leeyahay dalkaasi Maraykanka ayaa madaafiicda wax halliga ku garaacay xarun ay kooxaha wax qarxiya ee dalka Somaliya ku lahaayeen deegaanka Wargaduud ee Gobalka Gedo,duqayntan oo dhacday xilli habeenimo ahayd ayaa la sheegayaa inay dadka deegaankaasi ka warheleen daryaanka madaafiicda diyaaradahaasi ku soo tuurayeen saldhigg ay kooxdaasi ku tabobaraan dhalinyarada ku soo biiraysa ururkooda isla markaana muxaadarooyin iyo arrimi diini ah loogu dhigijiray caruurta  yaryar ee soo kacaysa deegaannada ay ka taliynaan kooxahaasi.

ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqayntaasi hasayeeshee waxaa la rumaysanyahay inuu jiro khasaare nafeed iyo mid maalba maadaama ay ciidamada u dagaallama kooxdaasi halkaa ku sugnaayeen sida loo badinayo,dhanka kale ilaa hadda kooxaha wax qarxiya ayaanay wax jawaab ahi ka soo bixin dhankooda oo ku aadan duqayntaasi iyo khasaaraha soo gaadhay toona.

masuul u hadlay degmada wargaduud waxa uu sheegay inay duqayntaasi dhacday basle aanay ilaa hadda wax tafaasiil dheeraad ah ka bixin karin sida ay wax u dheceen iyo khasaaraha uu dhaliyey toona balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen nooc kamida qaraxyada waaweyn oo ka dhashay duqayntaasi  kaasoo naxdin galiyey dareenkooda.

Diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee dalkaasi Marfaynkanka laga leeyahay ayaa sanadihiila soo dhaafay sidan oo kale madaafiicda ku soo garaacayey goobaha ay ku tuhmayaan inay kooxahaasi ku dhuumaaleysanayaan waxaanay hadda ka hor sidan oo kale tiraba xiliyo kaladuwan diyaaradahaasi madaafiicda ku soo tuureen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsanaa kooxahaasi wax qarxiya waxaana ka dhashay geerida xubno sarsare oo ka tirsanaa ururkaasi wax qarxiya sida Aadan Xaashi Cayrow oo ku dhintay meel aan ka fogeyn duleedka dhuuso-mareeb iyo hogaamiyihii kooxdaasi Axmed Cabdi Godane oo ku dhintay shabeellada hoose duqayn ay geysteen diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee dalkaasi Maraykanka laga leeyahay.

www.Baadiye.com